Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan weli saxiixin xeerkii Metelaadda G/Banaadir oo dhowaan uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka, iyadoo caqabado la hordhigay saxiixa xeerka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa 27-June soo saaray qoraal uu xeerka ugu bedelay ‘Qaraar’, isagoo u kala diray Guddiyada Dastuurka Baarlamaanka, isla markaana qoraalkaasi ku sheegay inuu dhaqangelayo marka uu saxiixo Guddoomiyaha Baarlamaanka arrintaas oo dad badan ka yaabisay (Ka Akhriso Halkan)
Xildhibaanno badan ayaa Guddoomiye Mursal ku cadaadiyey inuu Xeerka Metalaadda G/Banaadir u gudbiyo Madaxweynaha si uu u saxiixo, waxayna qaarkood u sheegeen Wadani.net inuu arrintaas ka meermeerayo.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Famaajo ka codsaday inuu si degdeg u saxiixo Xeerka Metalaada G/Banaadir, isagoo ka hadlayey xaflad Gobolka Banaadir ku maamusay Baarlamaanka.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal ay ku heshiiyeen in Xeerkaasi aan loo gudbin Madaxweynaha, kadib talo sharci oo uga timid la-taliyeyaashiisa, taasoo ku saabsan inuu Madaxweynaha ku dhici karo jebin Qodob Dastuur.