Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku haray magaalada Garowe, kadib markii lagu kala tegay shirkii wadatashiga madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maalmo kale sii joogi doono magaalada Garowe, isla markaana kulamo gaara la yeelan doono madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada, isagoo dadaal ugu jira inuu heshiis hoose la galo maamulka Puntland oo hadda u muuqda inuu isaga haray taageerada Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ay isbaheysi lahaayeen.
Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ugu haray magaalada Garowe ayaa hore u qorsheysnaa, waxaana ahmiyad kale u sii yeelay fashilkii ku yimid shirkii Garowe. Farmaajo ayaa culeyska ugu badani kasoo wajahay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo galaangal weyn ku leh maamulka Siciid C/llaahi Deni, iyadoo Farmaajo uu hore uga baxay balanqaad dhaqaale oo C/raxmaan Faroole uu la galay.
Qorshaha cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa ah inay kala furaan madaxda isbaheysiga lahaa ee Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo laba ka mida ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin, waxaana Axmed Madoobe iyo Xaaf Garoonka Garowe kusoo sagootiyey C/raxmaan Faroole iyo xubno kale iyadoo uu ka baaqsaday Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib toddobaad uu ku sugnaa magaalada Garowe, mana jiro wax war ah oo laga soo saaray shirkii Garowe.