Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Xawaadle ay shuruudo adag hordhigeen, una dhiibeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax, kadib muddo toddobaad ah oo shirar u socdeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar ayaa magaalada Beledweyne u tegay xal u helidda diidmada ka dhalatay maamulka Hirshabeelle iyo Doorashadii ay dowladda Federaalka qabanqaabisay ee ka dhacday magaalada Jowhar ee madaxweyne loogu doortay Cali Guudlaawe Xuseen.
Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Xawaadle oo si weyn u diidan in xilka Madaxweynaha Hirshabeelle lagala wareego ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha hordhigay qoddobo adag oo ay ku ogolaan karaan maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Shuruudaha Beesha Xawaadle ugu muhiimsan:
1- In lagu wareejiyo Caasimadda Hirshabeelle;
2- In lagu wareejiyo xubnihii ay Golaha Wasiirada ku lahayd Beesha Abgaal
3- In 10 xildhibaan oo dheeraad ah laga siiyo Baarlamaanka Hirshabeelle
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Jabhadda Jeneraal Xuud lagu qancinayo inay shuruudahan la qaadato beesha, waxaana kulmadii ugu danbeeyay ay dhex mareen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Jeneraalka.
Ugaaska Beesha Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaan weli ka hadlin xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo Gadoodka Beesha, halka siyaasiyiin uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre iyo Agaasimihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe ay taageereen kacdoonka beesha uga horjeedo Hirshabeellada cusub.