Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, July 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Ololaha tartanka madaxweynaha Galmudug oo xoogeystay & qiimaha codka xildhibaanka oo sii kordhay

    XOG: Ololaha tartanka madaxweynaha Galmudug oo xoogeystay & qiimaha codka xildhibaanka oo sii kordhay

    July 2, 2015Updated:July 2, 20153 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha tartanka jagada madaxweynaha maamulka cusub  ee gobolada dhexe “Galmudug” ayaa maraya heerkii ugu sareeyay iyadoo Cadaado ay marti gelineyso mid kamida xafiiltan siyaasadeed kii ugu adkaa ee degaanadaasi ka dhaca, kaasoo kulmiyay siyaasiyiin dhinacyo kala duwan ku xiran oo tartamay cidii qaban lahayd jagada ugu sareysa maamul ay hor yaalaan haddiiba uu dhameystirmo caqabado aad u adag.

    musharixiin
    Saddexda musharax ee ugu cadcad tartanka madaxtinimada Galmudug

    Saddexda Musharax ee la filayo inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee loolanka ugu adagi dhex mari doono waxay kala yihiin:

    1. C/kariin Xuseen Guuleed

    2. Axmed Macalin Faqi

    3. Axmed C/salaan Xaaji Aadan

    Saddexdan musharax waxaa lagu wadaa inay isu soo haraan labada ugu horeysa oo si aad ah isaga soo horjeeda. Loolanka musharaxnimada wuxuu xilligan u baahan yahay dhaqaale lagu wado si loo helo codadka xildhibaanada Baarlamaanka wax dooranaya.

    Marka ay dhaqaale timaado waxaa meesha ugu tun weyn C/kariin Xuseen Guuleed oo lagu tuhmayo inuu heysto dhaqaale badan oo dhinacyo kala duwan uu ka helay. Warar xog ogaal ahi oo Wadani.com heshay waxay sheegayaan in Musharax C/kariin Guuleed uu musharax kasta ugu talo galay 20,000 $. Waxaa hadda la bixiyay 5000$ oo hormaris ah, waxaana lagu wadaa in min 15,000$ la bixiyo xilliga ugu horeeya ee doorashada ka hor ilaa subaxnimada Sabtida soo socota.

    Kooxda ololaha C/kariin Guuleed ayaa ku waano qaadatay jabkii ka soo gaaray tartankii jagada guddoomiyaha Baarlamaanka oo musharaxoodii si la yaab leh looga badiyay, waxayna maalmihii ugu danbeeyay ku dhaqaaqday inay dib u saxdo khaladkii hore uga dhacay oo ahaa in lagala wareegay xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Dir. Waxay kooxdani Muqdisho ka wadaan xubno beeshaasi ka trisan oo diyaarad gaar ah loo kireeyay, lana geeyay Cadaado si ay xildhibaanada beeshooda ugu soo xiraan musharax C/kariin Xuseen Guuleed.

    Codka xildhibaanka ayaa Cadaado hadda ka gaaray 20,000$, iyadoo  musharaxa C/kariin Guuleed iyo kooxdiisa ay wax waliba u sameeyeen si aysan jagadaasi u dhaafin.

    Dhinaca kale Musharax Axmed Macalin Faqi ayaa dab yar shideyn inkastoo dhaqaalaha kooxdiisa heysato aad uga yar yahay midka kan uu heysto C/kariin Guuleed, haddana wuxuu isku haleynayaa naceybka loo qabo kooxda Damjadiid iyo suuragalnimada inuu helo codad qarsoon oo beelahooda lagula heshiiyo jagooyin wasaaradeed muhiim ah.

    Axmed C/salaan ayaa isugu la isku heysan inuu kaalinta saddexaad ku jiro, balse ma muuqato cabsi badan oo laga qabo inuu tartanka meel fiican ka galo, taasoo uu laf ahaantiisa ogyahay.

    Waxay u badan tahay in doorashada hal wareeg oo kaliya lagu kala baxo cod hal dheeri ah, musharaxii hela 45 cod ayaa xilkan calfan doona iyadoo 89 xubnood ay yihiin xubnaha Baarlamaanka Galmudug.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Musharixiinta Galmudug Ololaha doorashada Galmudug
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAMISOM oo ka baxday Qoryooley iyo qax ka bilowday Degaanada Sh/hoose
    Next Article Alshabaab oo la wareegtay Qoryooley iyo degaano kale oo ka mida Sh/Hoose

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo