Isbedelka ka socda dalka Itoobiya ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ee ku guuleystay biladda Nabadda adduunka ayaa la kulmaya caqabad uga imaaneysa Qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada.
Abiy Ahmed ayaa qaaday tallaabo uu meesha uga saaray isbaheysigii EPRDF talada dalkaasi hayey ee muddo dheer soo xukumayey Itoobiya, isagoo ku bedelaya XISBI BARWAAQADA, waxaa arrintan ka hor yimid ururka Qowmiyada Tigreega ee TPLF oo dalkaasi ka talinayey ilaa xilligii Meles Zenawi, kadibna waxay diidmo lama filaan ah ka timid Wasiirka Difaaca dalkaaso oo hore u ahaa Madaxweynaha maamulka Oromada Lemma Megersa.
Wasiirka Difaaca Itoobiya oo ahaa saaxiib aad ugu dhow Ra’isul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay Qorshaha Isbahaysigii EPRDF loogu bedelayo Xisbi kaliya, waxaana laga cabsi qabaa in Oromada dalkaasi oo markii ugu horeysay talada Itoobiya qabatay ay ku kala jabaan qorshaha Abiy Ahmed xilli ay dalkaasi ka dhici doonto doorasho guud sanadka 2020-ka.
Hore waxaa khalkhal u geliyey Ra’isal wasaare Abiy Ahmed nin qurbejoog mucaarad ahaa oo Oromo ah Jawar Mohamed, kaasoo taageero ku leh gudaha dadka Oromada laguna magacaabo Jawar Ahmed, waxaana hadda soo baxay in qorshaha Abiy Ahmed ee Xisbiyeynta Itoobiya uu ka hor yimid wasiirkiisa difaaca oo ah ninka labaad ee ugu awoodda badan siyaasiyiinta Oromada.
Khilaafka Oromadda dhexdeeda ah iyo loolanka ay ku jiraan waxaa la saadaalinayaa inuu kala qeybin doono Oromada Itoobiya, taasoo dhalin doonta xaalad hubanti la’aanta siyaasadeed ah doorashada bisha May ee 2020 la filayo inay ka dhacdo dalkaasi oo Ra’isulwasaare Abiy Axmed uu doonayo inuu ku guuleysto.
Xisbiga maamula Soomaalida Itoobiya ayaa ku biiray xisbiga Prosperity Party ee Abiy Ahmed, waxaa kaloo xisbigaasi ku biiray ururka degaanka koonfurt Itoobiya ee SEPDM, laakiin caqabada ugu weyn ee Abiy Ahmed heysata ayaa ah qowmiyadiisa oo siyaasiyiinta ugu waaweyn, qaarna la tartamayaan, qaarka ay diideen qorshihiisa.
Itoobiyada cusub ee Abiy Ahmed uu doonayo inuu ka saaro nidaamka Qowmiyadaha ee muddo 30 sano ah lagu soo waday, wuxuu wajahayaa caqabado badan, iyadoo Doorashooyinka soo socda laga cabsi qabo inay abuuran xasilooni darro dalkaasi ka dhacda.