Warar ku dhow Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sheegaya inay shaki weyn ka qabaan qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, iyadoo u diyaariyey shuruudo adag.
Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa hore uga hor yimid qaabkii loo riday xukuumadii Xasan Cali Kheyre, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay qaadacayaan shirka haddii aan la fulin shuruudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1- In la magcaabo Ra’iisa wasaare, lana dhiso xukuumadii fulin lahaydwixii lagu heshiiyo.
2-In damaadqaad loo helo fulinta heshiisyada Doorashada ee lagu gaaro shirka Dhuusamareeb 3 oo ay goobjoog ka noqoto Beesha Caalamka.
3- Inaysan ogoleyn heshiis u baahan ansixinta qeyb ka mida Baarlamaanka, oo kaliya ay ka qeyb qaadayaan heshiis la fulinayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa Garowe ka sheegay kadib ridistii xukuumadii Xasan Kherye in shir ka soo socda ee Dhuusamareeb 3 ay la xisaabtani doonaan Madaxweyne Farmaajo, kaib markii u burburiyey niyad wanaagii shirkii hore, si adagna ay ula dhaqmi doonaan.