Xogta laga helayo wadahadallada magaalada Garowe uga socda wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Puntland ay shuruud la yaab leh ku xirtay inay ogolaato 4.5.
Shuruudan ayaa ah in fadhiga baarlamaanka cusub laga wareejiyo magaalada Muqdisho oo caasimadnimadeeda ay dood weyn ka qabto Puntland, waxayna dooneysaa haddiiba ay aqbaleyso in Baarlamaanka cusub lagu dhiso 4.5 in caasimad KMG ah laga dhigo magaalada Garowe ama haddii kale Kismaayo, halkaasina ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub, Baarlamankuna ku shaqeeyo.
Shuruudan oo ka yaabisay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayay madaxda Puntland ku sheegeen in lagu yareynayo awoodda uu madaxweyne mar kale ku noqon karo Xasan Sheekh Maxamuud ama hogaamiye ka socda beesha Hawiye, waxayna tani ahayd tuhunka ugu weyn ee C/raxmaan Faroole soo jeediyay in 4.5 iyo Muqdisho oo doorasho lagu qabto ay ka dhigan tahay in dib loo doorto Xasan Sheekh.
Dastuurka Soomaaliya oo aan weli la dhameystirin, muranka ka taagan caasimadda Muqdisho iyo maqaamkeeda iyo qaabka doorashada 2016 oo ay hareysay diidmada Puntland waxay u muuqataa in xaalada ka sii dareyso iyadoo xilliga dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay.
Wadani.com