Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka magaalada Muqdisho waxaa la laga hortegay qaraxyo lala damacsanaa laba goobood oo xasaasi ah.
Wararka laga helay hay’adaha ammaanka Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyada lagu soo raray laba gaari oo la doonayay in lagu qarxiyo goobo aan hore looga baran in Alshabaab ay weerarraan.
Mid ka mida gawaarida qaraxyada lagu soo xiray ayaa la sheegay in la dhigay Iskuul ku yaala Muqdisho oo aan magaciisa la shaacin, halka gaariga kale loogu talogalay in lagu qarxiyo Baar laga cunteeyo.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo lagu sugayo ammaanka oo loo xil saaray ciidamo isku dhaf ah.
Wadani