Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadli doono qabanqaabada doorashada aakhirka sanadkan 2016 ka dhacaysa Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan, Ra’iisal Wasaaraha Cumar C/rashiid, Madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Jubba, Galmudug, Koofur Galbeed. Waxaa kaloo ku sugan wakiilo metelaya Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Qodobka ugu culus ee shirka horyaala ayaa ah xubnaha Gobolka Banaadir ku yeelaneyso Aqalka Sare oo hore looga tegay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culeys kale oo siyaasadeed hor yaallaa kadib markii uu xilli dambe ku soo baraarugay arrinta Gobolka Banaadir, waxaana uu rajo ka qabaa in madaxda Madasha ay aqbalaan in Gobolka Banaadir xubno ku yeesho Aqalka Sare.
Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa si weyn u diidan arrintan iyagoo ka horjeeda in Aqalka sare ay ku yaraadaan xunahooda ama loo soo dhowaado tirada fiican ee ay hada ku heystaan beel ahaan. Waxaana cabsi weyn laga qabaa in diidmo kale oo ka hor keenaan arrintan ay fadeexad ku noqoto Madaxweyne Xasan Sheekh, carqalad cusubka geliso arrinta doorashada.
Wadani.com