Laba bilood iyo bar ayaa laga joogaa markii ay si lama filaan ah xilka isaga casishay Wasiirkii Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed.
Jagadan ayaa weli bannaan, iyadoo beesha Shanaad ee awood qeybsi la’aanta u leh ay isku heysato ciddii loo magacaabi lahaa, waxaana xogta aanu helnay ay sheegeysaa in madaxda beeshan ugu jira dowladda Federaalka uu mid waliba doonayo qof uu wato in loo magacaabo xilkan, taasoo dhalisay xaalad cakiran.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey, Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa isku afgaran waayey qofkii lagu bedeli lahaa wasiirada isaga tagtay xilka.
Maryan Qaasim oo is casilaadeeda ahayd mid si lama filaan ah ku timid ayaa ahayd guddoomiyaha Xisbiga Tayo ee madaxweyne Farmaajo uu dhisay, waxayna si cad u sheegtay inaysan ku shaqeyn karin is-barbar yaaca xukuumadda Xasan Cali Kheyre.
Buuxinta xilalka bannaan ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa qaadanaya waqti ka badan kii caadiga ahaa, waxaana iminka bannaan jagooyinka laba wasiir, laba taliye iyo mas’uuliyiin kale oo kusimeyaal ay xilalka hayaan.