Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo diidan Qodobo ay soo jeediyeen Midowga musharixiinta

    XOG: Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo diidan Qodobo ay soo jeediyeen Midowga musharixiinta

    January 5, 2022Updated:January 5, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akhriso 9-ka Qodob ee ugu muhiimsan Qoraalkii ay Midowga Musharixiinta u direen Golaha Wadatashiga Qaran

    Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii saddexaad galay, iyadoo maanta ay xubnaha Golaha u bilowday shir albaabada u xiran yihiin oo go’aano looga gaarayo xaaladda Doorashada.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa in qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada ee taageersan madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo ay ka horjeedaan soo jeedin ka timid Midowga Musahrixiinta iyo Bulshada Rayidka.

    Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen in shirka go’aan looga gaaro Amniga dalka oo ay ku doodeen inuu ka baxsan yahay arrimaha Doorashada, balse amniga Doorashada hore loogu wareejiyey Ra’iisal wasaaraha.

    Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo lagu tuhunsan yahay inay shirka ku metalayaan Farmaajo ayaa sidoo kale ka gows qabsaday in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lagu koobo 135-tii oday ee heer Federaal oo ahaa dalab ka yimid Midowga Musharixiinta iyo Bulshada Rayidka.

    Hoos ka akhriso Qododbadda ugu muhiimsan ee ay dalbadeen Midowga Musharixiinta

    1- Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.

    2- Waa in ergada la diiwan geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo seddax cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharraxiinta kursiga ku tartamaya, waana inaan ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka musharraxiinta kursiga ku tartamaya.

    3- Shakhsiga lagama hor istaagi karo inuu kursiga beeshiisa u tartamo, waana in kursi kasta lagu tartamo, lana mamnuuco malxiiska ama in shakhsi loo xiro.

    4- Musharraxa waxaa tartanka doorashada looga joojin karaa oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, ama in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh. 3- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta ergada kursiga.

    5- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowladgoboleed loo madaxbanneeyo hirgelinta doorashooyinka. Waa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu hubiyaa madaxbannaanida guddiyada, tillaabna ka qaadaa shakhsi kasta oo guddiyadaas ka mid ah oo lagu helo musuqmaasuq ama ku milmidda siyaasadda.

    6- In dib loogu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, la burriyo go’aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habaynta lagu sameeyey.

    7- Codbixintu waa xaq dastuuri, adduunkana kama dhicin codbixiye qarash ku bixinaya ka qaybgalka doorashada. Haddaba si loo suuliyo caqabadaas waa in meesha laga saaro qarash kasta oo ay ergooyinka bixin lahaayeen sida; qarashka danbi baarista, covid19, iwm.

    8- In Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.

    9- Sida uu dhigayo dastuurka kmg ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.

    C/casiis Lafta-gareen Doorashada Midowga Musharixiinta Qoorqoor Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Su’aalo lagu weydiiyay Xarunta CID-da Hargeysa iyo xaalad ka taagan..
    Next Article Maxaa ka jira in Q/Midoobay dib ula wareegeyso maamulka Hawada Somaaliya..? (Jawaab Culus)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo