Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Qorshaha Qoorqoor ee Shirka Dhuusamareeb & Xaaladda Madaxweyne Farmaajo

    XOG: Qorshaha Qoorqoor ee Shirka Dhuusamareeb & Xaaladda Madaxweyne Farmaajo

    July 9, 2020Updated:July 23, 20202 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Galmudug Cabdi Maxamed Kaariye ayaa ku guuleystay inuu marti geliyo shirka madaxda Dowlad Goboleedyada ee ugu horeeyay kadib shirkii lagu kala tegay Garowe May 2019.

    Shirkan ayaa ka dhashay xaaladda dalka ka taagan ee hubanti la’aanta Doorasho ka dhacda marka uu dhammaado dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana in muddo ah socotay sidii loo qaban lahaa shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ka caga jiidayey muddo sanad ka badan inuu isugu yeero madaxda maamul Goboleedyada oo ay ku wada jiraan Golaha Amniga Qaranka ilaa ay arrintu gaartay in Golaha Amniga iy dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ay marar badan ugu baaqaan Madaxweynaha inuu qabto shirka Golaha Amniga, heshiisna la gaaro maamul Goboleedyada.

    Caqabadda ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo heysatay ayaa ahayd Axmed Madoobe oo aanu aqoonsaneyn, kadib doorashadii muranka ka dhashay ee Ogost 2019, taasoo ugu dambeyn ku soo dhammaatay aqoonsigii Farmaajo ee Axmed Madoobe. (Akhriso Warkan)

    Isku day iyo shuruudo la isku xiray kadib waxaa fashilmay shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay inuu Muqdisho ku marti geliyo maamul Goboleedyad 5 ilaa 8-da July 2020, kasoo markii uu qabsoomi waayey uu ka faa’iideystay Madaxweynaha Galmudug o gogol u fidiyey Madaxda Maamula Goboleedyada.

    Sida xogta lagu helay Madaxweyne Qoorqoor ayaa dadaal ugu jira inay madaxda Maamul Goboleedyada heshiis ka gaaraan arrinta ugu weyn ee la isku hayo oo ah Doorashada 2020/21, kadibna uu magaalada Dhuusamareeb ku casuumo madaxda dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo.

    Lama oga in Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis badan saaran yahay uu tegi doono Dhuusamareeb, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay diyaar u yihiin inay tagaan magaalada Dhuusamareeb.

    Maamul Goboleedyada ayaa ka mideysan diidmada labad qodob oo kala ah: in Dowladda hadda jirta waqti loogu daro iyo in Doorasho lagu galo qorshaha uu wado Guddiga Doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey.

    Waxaa sii yaraanaya suuragalnimada doorasho Qof iyo Cod ah oo u baahan waqti dheeraad ah, waxayna xaaladu ku socotaa Doorasho dadban oo aanu hore ugu xisaabtamin Madaxweyne Farmaajo.

    Farmaajo Galmudug Maamul Goboleedyada Madaxweye Qoorqoor Shirka Dhuusamareeb Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha K/Galbeed oo isagoo aan Ciidan wadan ka degay magaalada Dhuusamareeb
    Next Article Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo