Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare , ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Madaxwayne Waare ayaa markii uu gaaray halkaasi sheegay inuu halkaasi u tegay la kulanka iyo bogaadinta howsha Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka wado Galmudug iyo xallinta colaad Beeleed dhowaan ka dhacday degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.
“Waxaan halkan u imi Inaan dhiirr gelinno dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu halkan ka wado ee lagu nabadeynayo degaannada Galmudug, Galmudug oo toosta waa Hirshabeelle oo toosta” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo soo dhoweeyay wafdiga Madaxweyne Ware ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa, wuxuuna ku micneeyay booqashada madaxda Hirshabelle in ay yihiin walaal dhab ah oo mar walbo u taagan Garab istaagga Galmudug.
Xogta laga helay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegeysa in qorshaha Madaxweynaha Hirshabeelle u tegay magaalada Dhuusaamreeb ay ka mid tahay la-kulanka saraakiisha ka socota dalka Qatar oo la sheegay inay kala hadli doonaan arrimo u gaara maamulka Hirshabeelle iyo mashaariic ay ka filayeen.




