Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn u difaacay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed xilli uu socday shir ay isugu yimaadeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedayda.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii madaxda maamul Goboleeyada ay dalbadeen inuu shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyda ka baxo Guddoomiyaha G/Banaadir, wuxuuna hadalka qaatay kadib markii uu Guddoomiye Taabit jawaab culus ka bixiyay arrintaasi [AKHRISO WARKA]
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in hadalka Guddoomiyaha G/Banaadir uu ku sii darayo in maamulka G/banaadir ee uu hoggaamiyo Taabit ay qaadeen tallaabooyin ay mudaan gaara ku leeyihiin oo mudan in looga mahadceliyo.

Wuxuu mudane Kheyre soo qaatay: In markiiugu horeysay maamulka sare ee Gobolka Banaadir lagu soo daray Beesha Digil & Mirifle; In Markii ugu horeysay Beesha Dir ay guddoomiye ka tahay degmooyinka Muqdisho mid ka mida, sidoo kalena Beesha Daarood ay ka mid tahay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wuxuu bogaadiyay horumarka G/Banaadir ee Soomaaliyeynta maamulka Gobolka Banaadir, taasoo uu sheegay inay ku dhiiran waayeen maamuladii hore., taasina uusan ku muteysan karin in shirarka laga xirto ee uu leeyahay mudnaan gaara, isagoo weydiiyay madaxda maamulladda kale haddii ay hayaan cid aan beeshooda ahayn oo madax ka ah degaanadooda.
Dooda arrintan ka dhalatay ayaa markii danbe waxaa soo xiray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in si rasmi ah maamulka G/Banaadir uga qeybgalayo shirka.
Wadani