Madaxweynaha wqatigiisu dhammaaday ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale isu sharxay xilkaasi, kadib muddo 5 sano ah oo Puntland, gacanta ku hayey, wuxuuna rajo ka qabaa in maanta dib loo doorto.
Waxaa Garowe ka dhacaya mid ka mida doorashooyinka ugu adag ee kursi loo galo, iyadoo ay loolanka ku jiraan 21 musharax, waxaana dad badan saadaalinayaan inuusan Gaas wax guul ah ka keeni doonin oo taas bedelkeed wareegga hore ku hari doono.
Arrimaha ugu waaweyn ee C/weli Gaas aan loo siin karin fursad kale oo Puntland uu ku hoggaamiyo waxaa ka mida:
1- Intii uu xilka hayey inuusan fulin ballanqaayadiisii fara badnaa ee doorashada, maamulkaasi uu ku hore ugu socday musuqmaasuq ragaadiyay.
2- In C/weli Gaas uu si weyn ugu fashilmay arrimaha amniga iyo daryeelka ciidamada, isagoo degaankaasi ma maqnaa markii dagaalka culus ay Alshabaab ku qaadeen.
3- Heshiisyo qarsoodi ah oo Imaaraadka uu la galay oo keenay in dekadda Boosaaso si mugdi ku jiro gacanta uga baxdo.
4- In maamulkiisu uu uga sii daray sicir bararkii iyo dhibaatadii dhaqaale Puntland
5- Inuusan waxba ka qaban ayna sii kordheen awoodda kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee Puntland, siiba magaalada Boosaaso.
6- Inuu soo celin waayey dhulka ka maqan Puntland, dhul kalena ay Somaliland ka qabsatay inuu xilka hayey.
7- Mashaariic fara badan oo magac kaliya laga hayo iyo qaar istaagay
8- In Baarlamaanka cusub ee Puntland ay soo galeen dad aan ahayn kuwii uu doonayey, tirada uu ku leeyahayna ay 10 ka yar tahay.
Arrimahaasi oo dhan marka lag daro inay yar tahay fursadaha mas’uul hore dib ugu soo laaban karo doorasho kasta oo ka dhacda dhulka Soomaalida waxay C/weli Gaas ka dhigayaan inaan mar kale lasoo dooran doonin, waxayna dad badan aaminsanaayeen inuusan is sharxi doonin mar kale ama tanaasuli doono, qabyadiisa ka tegi doono.