Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeystay go’aano uu ka qaatay shaqo ka joojintii Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Kiiska sarkaaladii ka tirsaneyd NISA ee Ikraan Tahliil.
Rooble ayaa xalay u sheegay xubno uu la kulmay oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka C/weli Muudey iyo Taliyeyaasha ciidamada inuusan ka laabaneynin shaqo ka ceyrinta Agaasimaha NISA iyo sidoo kale in cadaaladda la horgeeyo kuwii mas’uulka ka ahaa kiiska Ikraan Tahliil.
Kulankii Galabta dhex maray Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayuu mar kale ku celiyey Rooble go’aankiisa ah in Maxkamad lagu qaado kiiska Ikraan, isla markaana aanu ka noqoneynin xil ka qaadista Fahad Yaasiin.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmaajouu rajo ka qabay xeerjajab meel dhexe la isugu yimaado, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid Rooble oo diiday wax tanaasul ah inuu ka galo kiiska Ikraan iyo cadaalad in loo helo.
Magacaabidda Agaasimaha cusub ee NISA ayaa caqabad kale noqotay markii uu Farmaajo dalbaday inuu isagu magacaabo agaasimaha cusub, isla markaana uu ansixiyo oo isagu xilka ka qaado Agaasimaha hore loo eryay, taasoo la isku fahmi waayey.
