Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»XOG: Sababta Midowga Yurub Lacagtii uga jartay Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo la ogaaday

    XOG: Sababta Midowga Yurub Lacagtii uga jartay Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo la ogaaday

    July 27, 2021Updated:August 24, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay sababta uu Midowga Yurub kala bar uga jartay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, kuna howlgala AMISOM.

    Sabbata Midowga Yurub (EU) uu kala bar u dhimay miisaaniyada ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM ayaa la ogaaday inay ka dambeysay, kadib markii dowladda Kenya ay qeyb ka mida cidiamada si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, kuna celisay Kenya.

    Xoghayaha Maaliyadda Dowladda Kenya aa u sheegtay Baarlamaanka Isniintii shalay in Kenya ay ka heshay Midowga Yurub lacag dhan Sh4.5 bilyan (37 Milyan Dollar) oo ku timid magaca howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) muddo 12-ka bilood ah oo ku eg Juunyo 2019, iyadoo laga filayey lacag dhan Sh8.5 bilyan.

    Baarlamanka Kenya ayaa baaraya sababta Kenya ay lacag yar uga heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada loo qoondeeyay ee la isla ogaa, waxayna ogaadeen tallaabada uu ku kacay Taliska Ciidamada Kenya ee KDF.

    “Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay ” ayuu yiri Julius Muia, xoghayaha maaliyadda Kenya oo aan shaacin tirada dhabta ah ciidamada Kenya ka celisay Soomaaliya.

    Dr Muia, oo uu weheliyo Xoghayaha Difaaca Kenya Ibrahim Mohamed, ayaa u sheegay Gudiga Xisaabaadka Dowlada (PAC) in lacag celinta la siiso Kenya ay salka ku heyso howlgal iyo ciidamada ku sugan howlgalka.

    28-da dal ee Midowga Yurub (EU), ayaa ah hay’adda ugu weyn ee dhaqaalaha ku bixiya howlgalka AMISOM, iyadoo taageerta barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.

    Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa Mushaarka ciidamada AMISOM iyo Booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo qeybokale.

    Dhinaca kale Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), wuxuu taageero dhanka saadka ah siiyaa ciidamada Amisom iyo Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed inta ay socdaan howlgalada wadajirka ah.

    Beesha caalamku waxay lacag gaareysa $ 1,028 bishii, askari kasta, waxaana lacagta loo mariyaa dowladaha ay ka tirsan yihiin ciidamadaasi, waxayna dowladaha ka jartaan askari kasta bishiiba $ 200 (Sh21,640) oo lagu sheegay kharashaadka maamulka, taasoo ka dhigan inuu askari kasta mushaar ahaan u helay $ 800 (Sh86,560).

    AMISOM EU Kenya Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyo Beeleed weerar ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Mudug iyo Dad lagu dilay…
    Next Article Hay’addaha Garsoorka oo muddo Bil ah kadib War kasoo saaray Kiiska Ikraan Tahliil & farriin loo diray NISA

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo