Wararka laga helayo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu kulan la yeeshay Agaasimaha mashaariicda Sanduuqa horumarinta Sacuudiga.
Kulanka dhex maray labada mas’uul ayaa yimid ka hor inta aysan kulmin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaya Maxamed Bin Salmaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Agaasimaha Mashaariicda Sanduuqa horumarinta Sacuudiga Fowzi Calyaan Alsacuud ayaa ka wadahadlay taageerada dhaqaale ee Sacuudigu hore ugu balanqaaday dowladda Soomaaliya iyo qorshaha mashaariic Sacuudigu ka fulinayo Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Sacuudiga uu bilaabayo fulina mashaariic hore loogu heshiiyay ee dhinacyada bulshada iyo dhaqaalaha, iyadoo laga dalbaday inay soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah ee la hormarinayo iyo qaabka dowladda Federaalka u dooneyso fulinta mashaariicda Sacuudiga maalgelinayo.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa kulanka ku wehliyay safiirka Soomaaliya u fadhiga Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle, halka dhinaca Sacuudiga uu Agaasimaha mashaariicda Sanduuqa horumarinta Sacuudiga ku wehliyay.
SAWIRRO
