Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Saddex Arrin oo muujinaya in RW Rooble isu diyaarinayo Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha

    XOG: Saddex Arrin oo muujinaya in RW Rooble isu diyaarinayo Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha

    August 19, 2021Updated:August 24, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tan iyo intii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku soo beegmay xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay dalka, wuxuu si qunyar socodnimo ah u wajahay mowjadihii siyaasadeed ee dalka taagnaa, isagoo markii danbe lagu wareejiyey maamulka Doorashada Dalka.

    Rooble oo mar loo heystay inuu yahay Siyaasi aan awood lahayn oo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynihii magacaabay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa soo maray fursado uu uga faa’iideystay go’doonkii Farmaajo ka heystay dhinac kasta, wuxuuna ugu danbeyn isu arkay inuu door madaxweyne qaadan karo.

    Rooble iyo Xukuumadda xilgaarsiinta uu hoggaamiyo waxay shaqada u taalla ahayd oo kaliya inay dalka gaarsiiyaan Doorasho, laakiin waxay dhex gashay arrimo waaweyn oo ka baxsan shaqadii ugu muhiimsaneyd ee laga sugayay, taasoo inteeda badan ah olole siyaasadeed oo Rooble ku dhisanayo magac, kuna qoranayo CV siyaasadeed cusub.

    Qodobadda soo socda waxay caddeyn u yihiin in Maxamed Xuseen Rooble ka faa’iideysanayo xilka uu hayo ee waqtiga kala guurka ah, isagoo isu diyaarinaya dhisidda magac iyo waxqabad uu ku noqon kara musharax madaxweyne oo miisaan leh.

    Dhisidda xiriirka Arrimaha Dibada

    Kadib caleemo-saarkii madaxweynaha Jabuuti ee May 2021 oo Rooble ka qeybgalay halkii uu tegi lahaa Farmaajo oo xiisad kala dhaxeysay Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa joogto noqday socdaallada uu Ra’iisal wasaaraha ku tegayo dalalka Dibadda, wuxuuna qaatay tallaabo wax uga bedelayo siyaasadii Arrimaha dibadda ee Dowladdii Farmaajo ku socotay afartii sano ee ay talada heysay.

    Socdaalkii Ingiriiska, kii xasaasiga ahaa ee dalka Kenya iyo safarkiisa dalka Masar oo la filayo inay dalal kale kusoo xigaan wuxuu Rooble ku muujiyey inuu qaadan karo go’aano waaweyn, isla markaana geli karo heshiisyo xilli uu weli xafiiska joogo madaxweynihii magacaabay, isla markaana diidan yahay dhaqdhaqaaqiisa.

    Dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalkii uu la dirirsanaa Farmaajo waxay ka dhigan tahay inuu Rooble u bareeray magac ku raadsiga hagaajinta arrimihii lagu eedeeynayey Farmaajo.

    Dagaalka siyaasdeed ee kala dhaxeeya Farmaajo

    Wareegtadii uu Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Farmaajo ug joojiyey xukuumadda inay wax heshiis ah gasho xilliga kala guurka, iyo jawaabtii adkeyd ee Rooble waxay caddeyn u ahaayeen khilaafkii labada mas’uul ee dibadda u soo baxay, waxaana ka horeeyay xil ka qaadistii Rooble ku sameeyay gacan-yarihii Farmaajo ee C/llaahi Kulane oo ka mid ahaa madaxda Hay’adda NISA.

    Dagaalkan waxaa hoos u dhigay madaxtooyada oo dooratay inaysan si toos ah uga hor imaan Rooble, balse ay qaabab kale ula tacaasho, laakiin Rooble oo sii wata shaqadiisii, iskuna darsaday xilalkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa xaaladda uga sii daraya.

    Rooble kama gaabsado inuu ahaa ninka dalka ka badbaadiyey dagaal markii uu Farmaajo ku dhaqaaqay muddo kororsiga iyo inuu doorasho xalaal ah qabanayo, halka uu Farmaajo rabay doorasho uu kusoo laabto, sidoo kale wuxuu awoodiisa ku tijaabiyey xil ka qaadista xubnaha ugu dhow Farmaajo, haddana wuxuu ku dhex jiraa la wareegidda siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka oo isbedel weyn uu ku sameynayo.

    Daba-dheereynta Doorashada

    Rooble oo hadda madax u ah Guddiga Wadatashiga Qaran, waxaa muuqata inuusan awoodiisa saarin dedejinta Doorashada oo marar badan dib dhacday, isagoo ku mashquulsan safarro dibadeed, taasoo caga-jiid ku riday socodkii Doorshada oo Aqalka Sare weli lasoo dhammeyn, weliba uu taagan yahay khilaafkii garabyada Somaliland.

    Hore waxaa u soo baxay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa muuqata in Rooble uu fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu magac sameysto, kana mid noqdo Musharixiinta rajada leh.

    Ugu danbeyn Maxamed Xuseen Rooble oo marara badan sheegay inuusan musharax ahayn, isla markaana uu doonayo doorasho xor ah iyo xalaal ah inuu dalka ka qabto, laakiin waxaa aad suuragal ah inuu ka mid noqdo Musharixiinta xilliga ugu danbeeya is keena masraxa tartanka, isagoo ololaha ku galaya inuu dalka gaarsiiyey Doorasho, isla markaana uu hagaajiyey qeyb ka mida khaladaadkii Maxamed Farmaajo.

    Doorashada Musharax Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAbiy Ahmed oo taageero ka helay Madaxweyne Erdogan iyo Heshiisyo ay kala saxiixdeen Turkiga & Ethiopia
    Next Article Bannaanbixii ugu weynaa ee looga horjeedo Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Muqdisho.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo