Qeylo dhaan, cadaadis iyo diidmo ka timid dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan Midowga Musharixiinta ayaa keenay in la laalo natiijada kuraastii ugu horeysay ee loo doortay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Cadaadiska intiisa badan wuxuu saarnaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kadib heshiiskii uu la gaaray Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu eedeeyay inay gacantiisa ka baxday Doorashadii ama uu raali ka noqday boobka.
Rooble oo xaalado adag ku wareegsan yihiin ayaa mar kale bilaabay inuu boorka iska jafo, isla markaana isu muujiyo inuu Doorashada Golaha Shacabka u ekeysiinayo mid la aqbali karo, wuxuuna soo saraya go’aano, isagoo balanqaadyo sameeyay, laakiin waxaa Ra’iisal wasaaraha hortaagan saddex caqabadood oo ilaa markii la magacaabay soo taagnaa, wax badanna uu ka qaban waayey, waxayna kala yihiin:
AWOODDA MAAMUL GOBOLEEDYADA
Madaxda Maamul Goboleedyada oo isugu jira Mucaarad dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo (Puntland iyo Jubbaland) iyo muxaafid (Galmudug, K/Galbeed & Hirshabelle) ayaa buuxiyey booskii uu Farmaajo ka baxay, iyagoo la wareegay awoodii Doorashada.
Waxay qabteen Doorashadii Aqalka sare oo ay ku takri faleen, fadeexadna kasoo baxday sidii loo maamulay, kadibna waxay isla jidkaas ku bilaabeen doorashadii Golaha Shacabka oo qeylo dhaan badan ka daba timid, haddana la isku heysto sidii loo sixi lahaa.
Rooble wuxuu dhexda uga dhacay madaxda laba maamul Goboleed oo u arka inay siyaasad ka adkaadeen Farmaajo iyo, saddexda kale ooka talo qaata, kuna shaqeeya rabitaankiisa, waxaana dhibaato ku noqotay sidii uu u maareyn lahaa xaaladaasi.
SAAMEYNTA FARMAAJO
Madaxweynaha weli xilka sii jooga oo awood ku leh hay’adaha Amniga iyo saddex maamul Goboleed, waa caqabad kale oo Rooble soo wajahday, waxaana xaqiiqo noqon waayey inuu Farmajo awoodii Doorashada wareejiyay.
Dagaalkii awoodeed ee dhex maray Farmaajo iyo Rooble ayaa caddeyn u ahaa in Farmaajo uu doonayo, kana shaqeynayo Doorasho uu hubo inuu isagu kusoo baxayo, waxaana heshiiska khilaafkooda lagu dhammeeyay uu huwanaa awood iyo dhaqaale qeybsi keenay inuu Rooble iska indha tiro boobka doorashada kooxda Farmaajo ilaa markii ay qeylo dhaanta sii adkaatay.
GUDDIGA DOORASHADA
Saddexda guddi ee Doorashada: heer federaal, dowlad Goboleed iyo khilafaadka marka laga soo tago qaabkii ay ku yimaadeen waxaa weli saameyn weyn ku leh kooxda Farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana awoodii doorashada inta badan heysta Guddiyada dowlad Goboleedyada oo hoos tega madaxda maamuuladooda.
Guddiyadan waxaa aad u yar awoodda uu ku leeyahay Ra’iisal wasaare Rooble, marka laga reebo inuu hanuuniyo ama u goodiyo, taasoo aan u muuqan mid wax ka qaban karta hab dhaqankooda.
Rooble ayaa waxaa hor yaalla tijaabo adag oo ah inuu qabto doorasho lagu qancin karo oo ka xalaalnimo badan sida ay wax uga dhaceen Galmudug iyo K/Galbeed, waxayna noqon doontaa mid taariikhda u gasha fashil iyo guul tii ay noqoto.