Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Shan Caqabad oo xal uga baahan Shirka Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Digniin cusub

    XOG: Shan Caqabad oo xal uga baahan Shirka Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Digniin cusub

    August 22, 2021Updated:August 22, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, iyadoo caqabado badan ay horyaallaan Doorashada Dadban ee qeyb ahaan bilaabatay.

    Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Doorashada hoggaaminaya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa wajahay caqabado waaweyn oo Doorashada kusaabsan, waxaana weli la xalin khilaafkii Doorashada ee u dhaxeeyay garabyada siyaasadda Gobollada Waqooyi.

    1- Rooble ayaa go’aan hal dhinac ah ka qaatay khilaafkii Guddiga Doorashada Somaliland, isagoo taageeray doorasho Garab ka mida Guddiga uu sameeyay, taasoo ay qaadaceen Garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana weli taagan khilaafkaas oo aan xal loo helin.

    2- Dhinaca kale waxaa weli la dhammeystirin Doorashadii Aqalka Sare oo kaliya laba maamul Goboleed ay dhammeystireen, halka aanay weli ka bilaaban Maamulka Hirshabeelle iyo Gobollada Waqooyi.

    3- Waxaa weli la raadinayaa dhaqaalaha Doorashada oo qeyb ka mida oo gaareysa 7.2 Milyan oo Dollar ay ku deeqday beesha Caalamka, waxaana harsan lacag ku dhow 20 Milyan oo Dollar oo qeyb ka mida ka imaan doonto Musharixiinta.

    4- Waxaa khilaaf cusub kasoo baxay magaalada Beledweyne oo ka mida magaalooyinka doorashada ka dhaceyso, waxayna arrintan soo nooleysay dood ku saabsan in magaalooyinka Doorashada ka dhaceysa laga dhigo 2 magaalo iyo in kale.

    5- Sidoo kale waxaa soo shaac baxay khilaaf kala dhaxeeya Guddiga Doorashada heer Federaal iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana laga cabsi qabaa in hoggaanka Guddiga Doorashada uu diido Habraaca Doorashsada Golaha Shacabka ee ay doonayaan inay soo saaraan madaxda Madasha.

    Caqabadahan oo dhan oo miiska saaran, waxaa wehliya iyadoo weli aan xal kala dambeys ah laga gaarin ‘Arrinta Gobolka Gedo’ oo qeyb ahaan xalkeeda la galay, balse aan la dhammeytirin.

    Waanwaan ay garabyada Siyaasadda Dirta Waqooyi ka dhex wadeen Midowga Musharixiinta ayaa guul laga gaari waayey, kadib markii Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu wax tanaasul ah la imaan waayey.

    Rooble ayaa laga dareemay inuu doonayo in laga gudbo kooxda uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isla markaana la guda galo Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, taasoo haddii ay dhacdo oo ay ku raacaan madaxda Maamul Goboleedyada sababi doonto dhaawac gaara hannaanka Doorashada oo dhan.

    Doorashada Doorashooyinka Muqdisho Shirka wada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCali C/llaahi Cosoble oo Jawaab dhulka la jartay u diray C/llaahi Goodax (Akhriso Qormo xasaasi ah)
    Next Article Dad hor leh oo ku dhintay Garoonka Kaabul iyo Kumanaan Is-xambaar ahaan ugu qamaamay (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo