Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Shan Xaqiiqo oo ku saabsan Ciidamada Dowladda Somaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea

    XOG: Shan Xaqiiqo oo ku saabsan Ciidamada Dowladda Somaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea

    January 19, 2021Updated:June 11, 20213 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea waxay arrintooda soo bilaabatay sanadkii 2018, waxayna ahayd mid qarsoodi ah oo aan la mid ahayn, dhammaan ciidamadii kale ee tababarrada loogu diro dalal dibadda.

    Waxaa marba soo baxayey warar ku saabsan Ciidamadan, ujeedkooda iyo waxa laga rabo inay qabtaan, waxaana markii muddo la joogana warbaahinta imaanayey hooyooyin iyo waalidiin ay ka maqan yihiin wiilal loo qaaday tababar ciidan oo madaxda dowladda ka codsanaya iney meel ugu sheegaan.

    Marka laga reebo in siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaarad ah ma jirin cid daba gashay arrintan, marka kaliya ee Baarlamaanku arrintan soo qaaday waxay ahayd Disember 2019 markii uu hortegay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf oo sheegay inaysan ciidamadaasi ka war heyn, ciidamo ka tirsan Xoogga Dalkana aysan ahayn.

    Ka sokow dooda ka taagan in ciidamada dowladda Soomaaliya u dirtay Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalkii Gobolka Tigray, iyo in qaar ka mida dhinteen, haddana waxaa sii dheeraaday waqtiga ay maqan yihiin ciidamadaasi oo marar kala duwan la qaaday, taasoo sii kordhineysa dareenka waalidiinta ay askartaasi ka maqan tahay.

    Xaqiiqooyinka laga hayo ciidamadan sida qarsoodiga ah loo maamulayo, waxaan kusoo koobi karnaa shantan qodob:

    1– YAA QORSHEEYAY, YAASE KA MAS’UUL AH..?

    Qoriska, Qorsheynta iyo maamulka ciidamada tababarka loogu diray dalka Eritrea waxaa gacanta ku hayey agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, laakiin waxay si toos ah u hoos tagaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    2- WAA CIIDAMO NOOCEE AH..?

    Ciidamadan kaliya waxaa la ogyahay inay gacanta ku heysay Hay’adda NISA, laakiin ilaa iyo iminka ma cadda nooca ay yihiin, iyadoo aysan suuragal ahayn inay NISA ka mid noqdaan, ayaa warar kala duwan sheegeen in qaateen tababarro ay ka mid yihiin ciidamada Badda iyo dhulka.

    Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya inaysan ahayn ciidamo ka tirsan talisyada kale, sida Booliska, Milateriga iyo Asluubta. Taliyaha ciidamada Milateriga ayaa beeniyay inay ka tirsan yihiin Xoogga dalka.

    3- WAA IMISA TIRADOODA, SIDEENA LOO SOO XULAY..?

    Tirada ciidamadan oo xilliyo kala duwan loo qaaday dalka Eritrea waxaa lagu qiyaasaa 3000 ilaa 5000 askari, waxaana laga soo xulay beelo iyo degaanada kala duwan ee Soomaaliya oo chan.

    Waxaa ciidamadan suuqa loo geliyey warar been ah sida in la geynayo dalka Qatar oo ay shaqo fiican iyo mushaar badan ka heli doonaan, taasoo keentay in dhalinyaro badan oo qaarkood wax bartay ay qortaan ciidamadan, balse waxay ku dambeeyeen dalka Eritrea. Xildhibaanno, odayaal iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa qeyb ka ahaa qorista ciidamadan.

    4- MAXAA KEENAY IN ERITREA LA GEEYO..?

    Ciidamadan ayaa markii hore loogu talogalay in lagu tababarro dalka Suudaan, iyadoo kharashka bixineyso dalka Qatar, balse xaaladii Suudaan ka jirtay darteed ayaa loo wareejiyay dalka Eritrea oo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo saaxiib la yahay madaxweyne Isaias Afwerki, isla markaana isbaheysi leeyihiin, waxaana ciidamadan loo bedelay kuwo gaara oo ay isku afgarteen labada madaxweyne ee Somaaliya iyo Eritrea.

    5- MAXAA LOOGU TALOGALAY INAY QABTAAN..?

    Ciidamada dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Dalka Eritrea waxay warar kala duwan sheegeen in loogu talogalay Amniga dalka, gaar ahaan gobollo gaara, laakiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ku doodaya inuu Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu shaqooyin gaara u dirsado sida inuu awoodda dalka kula wareego.

    GABAGABO

    Dhibaatada ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah in ciidamadan oo qarsoodi ahaan howshooda loo waday muddo ka badan 2 sanadood hadda dood weyni ka taagan tahay, arrintoodana dibadda u soo baxday, kadib markii waqtiga ay joogaan dalka Eritrea uu sii dheeraaday, waxayna Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha NISA ku qasban yihiin inay soo bandhigaan mid ka mida qorsheyaashoodii qarsoodiga ahaa.

    Ciidamada Somalia Eritrea Fahad Yaasiin Farmaajo Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dilay Mas’uuliyiinta Degaanka Garasbaalley ee Muqdisho
    Next Article Guddoomiyaha Mudug oo u jawaabay Afhayeenka Alshabaab: “Ninkii soo dila Cali Dheere waxaan siinayaa…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo