Wafdi ka socda Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka K/Galbeed, iyagoo halkaas u tegay xal u helidda cabashada maamulka K/Galbeed.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle Yuusuf, waxaana socdaalkooda uu yimid kadib wadahadallo dhex maray wakiilada Beesha Caalamka, Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo culeys lagu saaray in xal loo helo kuraasta ay laaleen Guddiga FEIT.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu ku dhegan yahay hal shardi oo ah in Guddiga FEIT ay sharci ka dhigaan doorashadii labada kursi ee HOP103 iyo HOP204, isagoo ogol in dib loogu celiyo doorshada kursiga HOP154.
Lafta-gareen ayaa shardigan ku xiray wafdi xildhibaanno ah oo tegay magaalada Baydhaba, kuwaasoo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), wuxuuna beeniyey inuu difaacayo kursiga uu kusoo baxya Fahad Yaasiin ee HOP086.
Haddii la fuliyo rabitaanka C/casiis Lafta-gareen ayaa ka dhigan in meesha laga saaro dacwadii ka taagneyd kuraasta ay u tartami lahaayeen ee guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur.
Wararka ayaa sheegaya in kadib culeys ay wakiilada Beesha Caalamka saareen Ra’iisal wasaaraha uu arrintan u xilsaaray guddoomiyaha Gudiga FEIT, iyadoo la isku afgartay in xal laga gaaro saddexda kursi ee Guddiga FEIT ku celiyeen K/Galbeed.
Rajada laga qabo in heshiis laga gaaro kuraasta ay isku hayaan Guddiga FEIT iyo Madaxweynaha K/Galbeed ayaa la sheegay inay fiican tahay, xilli labada dhinac lagu riixayo inay heshiis gaaraan, waxaana la filayaa oinay FEIT fasaxdo labada Kursi ee HOP103 iyo HOP204.

