Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»XOG: Shirkii Maamul Goboleedyada oo ka furmay Xalane iyo Qoorqoor oo diiday Qorshe Farmaajo ka yimid

    XOG: Shirkii Maamul Goboleedyada oo ka furmay Xalane iyo Qoorqoor oo diiday Qorshe Farmaajo ka yimid

    March 25, 2021Updated:March 26, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa goor dhoweyd Hotel ku yaala Xalane ka furmay shirkii Madaxda maamul Goboleedyada oo lagu waday inuu galabta furmo, kadib markii uu caqabad uga timid Madaxweynaha waqtiga ka dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey Beesha Caalamka, wuxuuna ka dhashay is aragyo dhex maray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxaana la qorsheeyay inuu shirku furmo galabta.

    Saddexda Madaxweyne maamul Goboleed ee taageersan Farmaajo ayaa duhurnimadii tegay Teendhada iyadoo saacado badan ka dib dhacay, markii aroornimadii halkaasi iska xaadiriyey Maxamed Farmaajo, waxaana dood dhex martay uu Farmaajo culeys ku saaray, kana dalbaday inaysan ka qeybgelin shirka ay beesha Caalamka wado ee madaxda maamul Goboleedyada.

    Madaxweynaha Galmudug ayaa diiday qorshaha Farmaajo, una sheegay Farmaajo inay soo ballanqaadeen ka qeybgalka shirka, suuragalna aysan ahayn inay ka baaqsadaan, taasoo keentay in markii danbe uu Farmaajo ogolaaday inay tagaan shirka, balse aysan shardi ka dhigaan inaysan qeyb ka noqon beesha Caalamka.

    Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii Madaxda maamul Goboleedyada oo dib loogu dhigay cadaadiska ka yimid Maxamed Farmaajo, wuxuuna ugu danbeyn caawa ka furmay hotel ku yaalla gudaha Xalane.

    Furitaankii shirka waxaa lagu soo beegay shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsiinta oo sheegay arrin cusub oo lama filaan ah, taasoo ahayd in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran, egada loo dirayna ay kala yihii: Madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele.

    Inuu Farmaajo markii hore hor istaagay qabashada shir uu isagu ka maqan yahay, kadibna sheegto inuu isagu ergo u diray saddex ka mida madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxay ka mid tahay dhacdooyin kusoo kordhay hab-dhaqanka Farmaajo oo dadaal aan hore loo adag ugu jira inuu is muujiyo xilligan ay sida adag u loolanayaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

    Farmaajo ayaa hore ula wareegay Teendhada Afisyoone oo Beesha Caalamka qoondeysay in lagu qabto shirka wadatashiga markii uu la tegay ciidamadiisa ilaalada u ah, wuxuuna maalintii afraad ku jarmaadaa Teendhada oo uu kula showro madaxda taagesrsan.

    Farmaajo Shirka Muqdisho Shirka Xalane Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/rashiid Janan oo Caawa laga dejiyay Muqdisho iyo kulan uu la yeelanayo Maxamed Farmaajo
    Next Article Xaaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku Geeriyootay Magaalada Nairobi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo