Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»XOG: Sidee C/llaahi Goodax looga saaray Golaha Wasiirada cusub..? (Heshiiskii Ugaaska & Madaxweynaha)

    XOG: Sidee C/llaahi Goodax looga saaray Golaha Wasiirada cusub..? (Heshiiskii Ugaaska & Madaxweynaha)

    October 26, 2020Updated:October 31, 20202 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    C/llaahi Goodax Barre – Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya- wuxuu ka mid noqday wasiirada xilalkooda waayey ee sida weyn loo saadaalinayey inay dib ugu soo laabteen Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Wasiir Goodax Barre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada daacadda u ah ee sida weyn u difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo, taasoo uu muteystay in loo magacaabo xilka Wasiirka Waxbarashada Ogost 2018, kadib markii si fudud xilkaasi looga qaaday Wasiirkii hayey ee C/raxmaan Daahir Cusmaan.

    Xil waayida Wasiir Goodax ayaa dad badan ka yaabisay marka loo eego sida uu daacadda ugu ahaa uguna xirnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo muddooyinkii dambe ay xaalad caafimaad heysatay, kuna sugnaa dalka Turkiga ayaa mar qura uu soo baxay in wasaaradda Beesha awood qeybsiga u lahayd laga dhigo Wasaaradda muhiimka ah ee Arrimaha Gudaha, balse loo magacaabo taliye xigeenkii Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

    Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysta inuu Wasiir C/llaahi Goodax, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku baxay heshiis dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna Ugaasku la yimid in xilka Wasiirka Beesha loo magacaabo Jen. Mukhtaar, meeshana laga saaro Goodax.

    Xiriirka Ugaas Xasan iyo C/llaahi Goodax ayaa ahaa mid liita muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana taas sii xoojisay qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 2020/2021 oo uu doonayo inuu taageero uga helo Odayaasha dhaqanka ee Ugaas Xasan ka mid yahay.

    Heshiiska Madaxeynaha iyo Ugaaska ayaa ku wajahan doorashada Federaalka, laakiin waxaa la arki doonaa sida uu wax uga taro xaladda taagan ee dhismaha maamulka Hirshabeelle oo hadda socota iyadoo ay diidan yihiin Beesha Ugaaska intooda badan.

    Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)
    Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan: “Ma sheegi karo hal sabab oo la igu ceyriyey…”

    Farmaajo Golaha wasiirada Top Wasiir Goodax xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDaacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda
    Next Article Heshiis dhex maray Q/Midoobay iyo Dowladda Somaliya oo dhaliyey inay Somaliland joojiso xiriirkii UNSOM

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo