Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Sidee Farmaajo u maamulay Kursigii Jufadiisa..? (Kursigii ugu musharixiinta iyo makriga badnaa!)

    XOG: Sidee Farmaajo u maamulay Kursigii Jufadiisa..? (Kursigii ugu musharixiinta iyo makriga badnaa!)

    February 16, 2022Updated:February 16, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dad badan kuma baraarugsaneyn Kursiga HOP053 ee ay Baarlamaanka Federaalka ku leedahay Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayse barteen kadib wixii ka dhacay doorashadiisa iyo sidii loo maamulay.

    Kursigan waxaa markii hore ku fadhiyey xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, waxayna tallaabadii koowaad ee Farmaajo qaaday ay ahayd inuu ka dhigay qoonde haween, isagoo (60 sano ahaa kursi ay rag ku tartamaan), taasoo uu uga dan lahaa inuu gacan-yarihiisa C/llaahi Kullane kusoo baxo kursiga kale ee HOP040, kaasoo qoonde haween hore u ahaa, ayna ku fadhiday Nadiifo Faarax Jaamac.

    Waxaa la shaaciyey in kursiga HOP053 uu yahay mid si cadaalad ah loogu tartamayo, taasina waxay keentay inuu soo jiitay haweenkii ugu badnaa Hal kursi isku sharxa, waxayna gaareen 7 Haween oo iyagoo rajo ka wada qaba, marayn dhammaan shuruudihii, kadibna qaatay shahaadadii musharxnimada.

    Haweenka Musharixiinta ee kursigan waxay kala ahaayeen:

    1- Reysal Qorane Abshir

    2- Xaajiyo Axmed Gaas

    3- Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon

    4- Ubax Abdi Ali

    5- Zamzam Xasan Diiriye.

    6-Fahmo Caabi Guureeye.

    7- Hani Cabdi Gaas

    Nasiibdarro mar kaliya ayey wax waiba is bedeleen, waxaana dib u dhac la geliyey kursigan, kadibna waxaa soo baxay qorshe uu wato Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah in kursiga lagu soo saaro Reysal Qorane Abshir oo ay si hoose isu xigaan.

    Ma dhicin in gabdhihii musharixiinta ahaa la qanciyo, kharashkii iyo juhdigii ka baxay ee lagu qiyaamay in kursigu furan yahay lagala hadlo ama xitaa in si kale loo maareeyo, balse habeennimadii ayaa ergo cusub loo diyaariyey, kadibna subaxnimadii waxay ka war heleen inuu kursigii Farmaajo u xiray Reysal Qorane.

    Musharxiiintii haweenka ahaa ee Kursiga HOP053 qaarkood waxaa loo geystay jirdil, waxaana xoog looga saaray hoolka doorashada ka dhaceysay ee magaalada Dhuusamareeb, kadibna waxaa kursigii kusoo baxday qoftii uu watayMaxamed Farmaajo ee Reysal Qorane.

    Cabashada, oohinta iyo murugadii ay baraha bulshada la yimaadeen qaar ka mida haweenkii kursigan u tartami lahaa ee laga boobay, kuwaas oo qaraabo la ahaa Farmaajo waxay bulshada bareen jufada uu kasoo jeedo Maxamed C/llaahi Farmaajo, xaqiiqadiisa qofnimo iyo hab-dhaqankiisa qarsoonaa.

    Inkastoo Doorashada dadban ee 2022 ay boob iska tahay oo dad badan ka sabreen, haddana uur-ku-taallada uu kursigan reebay ayaa ahayd in haweenkii ugu badnaa ay isku sharxeen markii rajo la geliyey inuu tartankiisu furan yahay, kadibna la khiyaameeyay oo awood loo adeegsaday, lagana boobay iyagoo taagan, laakiin dad badan ayuu indhaha u furay, kuwaasoo ku khaldanaa qofka uu yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Doorashada Farmaajo Galmudug Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir iska casilay Maamulka Galmudug oo Afka furtay. “Qoorqoor waa sida Hindi u shaqo tegay Dubai”
    Next Article Faahfahin: Taliyihii Saldhigga magaalada Beledweyne oo la dilay iyo Ciidamada Haramcad oo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo