Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la aamisan yahay inuu qeyb ka qaatay in Xasan Sheekh Maxamuud mar kale loo doorto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 2022-2026.
Farmaajo oo xilka hayey 5 sano iyo dhowr bilood ayaa hoggaankiisu noqday mid Soomaalida kala qeybiyey oo dhexda u galay khilaaf daba dheeraaday, muddo kororsi iyo doorasho dadban tii ugu waqtiga dheereyd, uguna musuqa badneyd iyo sidoo kale dagaal ka dhashay isku day muddo kororsi oo Muqdisho ka dhacay.
Marka laga soo tago waxqabadkii dowladiisa oo ku ekeyd intii uu joogay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ay khilaaf ku kala tageen, wuxuuna xilka ku dhameystay isagoo dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaarihii labaad ee uu magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, waxaana laga wareejiyey maamulka iyo Amniga Doorashada.
Arrimahaas oo dhan waxay dhaliyeen in dad badan u arkaan Maxamed Farmaajo inuu halis ku yahay dowladnimada Soomaaliya, waxaana mustaxiil ahaa in dib loo doorto, iyadoo saaxiibo badan kula taliyeen inuu doorashada ka haro, balse taasi ma dhicin.
Wuxuu ku adkeystay inuu tartanka Doorashada sii wado ilaa waqtiga ugu danbeeya, inkastoo uu kaalinta labaad galay wareeggii koowaad, iyadoo uu kaalinta koowaad kusoo baxay Musharax C/llaahi Deni, haddana xaaladaas kama reebin inuu tartanka doorashada kusii jiro.
Farmaajo wuxuu qeyb weyn ka qaatay inuu mar kale madaxweyne noqdo ninkii uu ugu necbaa inuu xilka kala wareego oo ah isla madaxweynihii uu ka adkaaday shan sano ka hor ee uu xilka kala wareegay.
Tallaabooyinka Farmaajo ku dhaqaaqay ee keenay inuu fursad siiyo Xasan Sheekh waxaa ka mida:
1- Inuu abuuray xaalad halis ah oo diideysa in dib loo doorto
Farmaajo intii uu xilka joogay wuxuu si weyn uga shaqeeyay sidii uu xukunka u sii joogi lahaa, wuxuu sameystay maamul Goboleedyo taabacsan, wuxuuna dagaal ku qaaday labadii maamul ee rabitaankiisa ka hor yimid Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna isbaheysiiga kusoo koobmay C/casiis Lafta-gareen iyo Mahdi Guuleed oon la isku hubin.
Kooxdiisa Doorashada iyo Farmaajo waxay ogaayeen inay abuurteen cadaawad badan, loogana guuleystay doorashada Guddoonka Baarlamaanka labada Aqal iyo xildhibaannadii Gobolka Gedo, taasina uma noqon cashar ay dib ugu qiimeeyaan fursadahooda Doorashada.
2- Inuusan ka tanasulin Doorashada Madaxweynaha
Saaxiibo badan ayaa Farmaajo kula taliyey inuu Doorashadan ka haro oo ilaaliyo haddiiba uu magac yar u haray, balse taasi ma dhicin. Haddii Doorashada ay ku loolami lahaayeen Musharixiinta Muraaradka waxaa cad in Xasan Sheekh Maxamuud ciriiri geli lahaa ama looga guuleysan lahaa.
3- Qorshe labaad uu diiday Farnaajo
Farmaajo wuxuu iska diiday inuu qorshe labaad sameysto inuu musharax kale taageero marka xaaladu adkaato, taasina waxay keentay inuu keligiis sii wado tartanka, iyadoo la ogyahay inay natiijadu noqoneyso taageerada musharax kasta oo isaga la tartamaya.
Malaayinta Doolar ee uu Farmaajo ku bixiyey soo saarista xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ayaa ka dhigeysa mid ka mida madaxweynayaasha ugu musuqa badnaa, inkastoo xilligii ugu danbeeyay u suurageli weyday inuu dhaqaale kale siiyo xidhibaanno uu ogaa inaysan cod siin doonin.
Doorashada Xasan Sheekh Maxamuud 15 May, 2022; kama dhigna inay Soomaaliya heshay hoggaan fiican, balse waxaa qasab noqotay in la kala doorto laba mas’uul oo kala daran midkood. Mid xanuunkiisu cusub yahay iyo mid kale oo xanuunkiisa shan ka hor la iloobay.
Wadani.net
