Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa qabanqaabiyey shir looga hadleyay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo Doorashada maamulka la filayo inay ka dhacdo.
Kulankan oo ay ka qeybgaleen xubnaha labada gole ee kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayna ka dhex muuqdeen guddoomiyeyaashii Baarlamaanada sida Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga hadlay doorashada madaxweynaha K/Galbeed, waxaana qodobadii kasoo baxay ay ka hor imaanayeen heshiis uu Guddoomiye Mursal la galay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa ku saabsanaa doorashada K/Galbeed. [Akhriso Warkan]

Xogta laga helayo ilo ku dhow guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya inuu culeys xoog leh ka heysto Beesha uu ka soo jeedo, taasoo dooneysa inuu qaato mowqif cad, kana hor yimaado go’aanka madaxda dowladda Federaalka ku doonayaan in doorashada K/Galbeed looga reebo musharaxa Mukhtaar Roobow Cali.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa hubanti la’aan kasoo wajahday isbedelka kale ee ku yimid Guddoomiye Mursal oo laba habeen ka hor ay heshiis ku gaareen inay ka wada shaqeeyaan doorashada K/Galbeed, waxayna arrintan halis ku tahay qorshihii madaxda dowlada Federaalka ee K/Galbeed.
Lama oga in Guddoomiye Mursal ay arrintan dhab ka tahay iyo inuu mar kale is bedeli doono, waxaase muuqata inaysan madaxda dowladda isku halleyn karin isbedelladiisa uu hore ugu guuleystay in loo ogolaaday xil loo magacaabo gacan-yarihiisa.
AKHRISO HESHIISKA DHEX MARAY LABADA DHINAC