Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Sidee ku fashilmay Dhul-boobkii madaxda G/Banaadir ku bixiyeen Qeyb ka mida Suuqa Siinaay?

    XOG: Sidee ku fashilmay Dhul-boobkii madaxda G/Banaadir ku bixiyeen Qeyb ka mida Suuqa Siinaay?

    February 16, 2021Updated:March 1, 20213 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    26-kii Janaayo 2021 ayey ahayd markii si lama filaan ah uu guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) u soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada dhul bixinta (Akhri Warkan), iyadoo ogeysiin loogu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

    Arrintan ayaa sabab looga dhigay dhaliilo iyo eedo la isla dhex marayo oo ka dhan ah Waaxda Dhulka ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo wareegtada lagu ballan qaaday baaritaan lagu sameynayo arrintan, maan jirin wax faahfaahin ah oo laga bixin arrintan.

    Baaritaan ay sameysay Wadani.net ayaa lagu ogaaday in arrintan ay ka dambeysay fadeexad ka dhacday bixinta Dhul qeyb ka ah suuqa Siinaay, degmada Wardhiigley, una dhaxeeya saldhigga Wardiigley iyo Suuqa oo ahaa dhul Danguud ah, ayna deganaayeen Dad dadyar ah iyo ganacsatada Haragaha ama maqaarka.

    Kiiskan waxaa si oos ah ugu lug lahaa guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Filish, ku- xigeenkiisa Amniga Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), waxaana ka war qabtay Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Seynab Maxamud Xaabsey, iyadoo dhulkaasi laga cabiray ku dhowaad 30 boos, ayna iibiyeen oo kharash ka qaateen madaxda G/Banaadir ee kor ku xusan.

    Dadkii goobtaasi deganaa ayaa ka war helay Ganacsato iyo Dad sheeganaya lahaanshaha dhulka oo ku amray inay isaga guuraan, waxaana loo adeegsaday Baalleyaal ay la socdeen ciidamo badan oo lagu burburiyey, laguna banneeyay dhulkaasi, taasoo keenay in Doodii ka dhalatay bixinta dhulkaasi ay gaarto madaxtooyada Soomaaliya, markii ay xogtiisa dusiyeen qaar ka mida maamulka Gobolka Banaadir, loona mariyey marwo Seynab Cabdi Macallin.

    Sida xogtu sheegeyso Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u yeeray Cumar Filish, Cali Yare iyo xubno kale, si adagna ugala hadlay dhul-boobka ay ku dhaqaaqeeen, iyadoo laga dalbaday inay ka noqdaan, dibna goobtaasi ugu celiyaan dhul dan guud ah, isagoo ku canaantay inay xilligan kala guurka ah ay dadkii ku ceebeyanyaan, una qaateen inuusan awood lahayn.

    Guddoomiye Cumar Filish ayaa markaas kadib soo saaray wareegtadii uu ku joojiyey dhulkii ay bixiyeen iyo bixinta dhul kale, waxaana maalmo kadib goobta la cabiray shir jaraa’id ku qabatay guddoomiyaha Wardhiigley Seynab Xaabsey oo sheegtay inaan meeshaasi la bxin karin oo amar kasoo baxay Madaxweynaha.

    HOOS KA DAAWO

    Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu muddo xileedka sharciga ahaa ku jiray ka war helay Dhulal badan oo Gobolka Banaadir uu bixiyey, balse uu ka gaabsaday inuu tallaabo ka qaado, waxaana ka mida:

    1- Dhulka Garoonka Jasiira ee duleedka Muqdisho.
    2- Dhul ku yaalla agagaarka saldhigga Degmada Hodon
    3- Dhul duleedka ka ah SOS
    4- Dhul saaran xeebta Garoonka Cisaley

    Cali yare Cumar Filish DHUL DAN GUUD Farmaajo G/Banaadir Suuqa Siinaay Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWararkii ugu danbeeyay shirka Baydhaba iyo horumar la sheegay in laga gaaray (Yaa tanaasulaya..?)
    Next Article Wasiirka Amniga Galmudug oo difaacay Bannaanbaxa Musharixiinta Mucaraadka ee Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo