48-kii ee lasoo dhaafay waxaa isbedel ku yimid qorshihii muddo kororsiga ee Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu waday in mudadda dheer.
Qorshahan ayaa markii hore la filayey inuu Maxamed Farmaajo ka dalbado Golaha Shacabka 6-dii Febraayo markii uu ka tegay shirkii Dhuusamareeb 4, laakiin daqiiqadii ugu dambeeyay ayaa dib loo dhigay.
Mar kale waxaa qorshahan Baarlamaanka la qorsheeyay inuu geeyo Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble 10 Febraayo 2021, laakiin waxaa ka hortagay xildhibaannada Mucaaradka oo guddoonka ka dalbaday inuusan Rooble ka hadlin arrimaha Doorashooyinka iyo muddo kordhin.
Markii saddexaad wuxuu qorshaha muddo kororsiga ka fashilmay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo ay ka hor yimaadeen xildhibaannadii Mucaaradka oo fadhigii 27 Maarso 2021 sii ogaaday arrintan, waxaana buuq kusoo dhammaaday kulankii la sheegay in Covid-19 looga hadlayo.
Mar kale wuxuu isla qorshaha muddo kororsiga oo sidii hore ka xoog badan yimid 7-da April 2021, markii xukuumadda xil gaarsiinta ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee Afisyoone, kana socon waayey madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Maxamed Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa ayaa kulan Sabtidi iyo Axadii la yeeshay guddoonka aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labada ku xigeen, waxaana looga dooday sidii muddo kororsiga loo wajihi lahaa.
Qorshaha diyaarsan ayaa ahaa in xukuumadda ay hortagto Baarlamaanka, una sheegto inay fashilmeen wadahadalladii Doorashada dadban, Golaha Shacabkana looga baahan yahay inuu tallaabo kale qaado, dalkana laga qabto doorasho ‘Qof iyo Cod ah’.
Farmaajo ayaa mar kale bedelay qorshihii ahaa inay xukuumadda hortagto Baarlamaanka, si ay muddo kordhin u dalbato, waxaana uu dalbaday in loo bedelo Mooshin ay ka keenaan doorashada xildhibaanada taageersan, arrintaas oo Guddoonka Aqalka hoore ay aqbaleen, waxaan sidaasi lagu diyaariyey Mooshinkii shalay galab, laguna dejiyey qorshaha kulanka Maanta 12-ka April 2021 ee muddo kordhinta.
Mooshinka ayaa la sheegay inuu u qoran yahay, mar haddii lagu fashilmay doorashadii Dadbaneyd in dib loogu laabto sharcigii uu Baarlamaanku ansixiyey ee Doorashada qof iyo codka, lagu wareejiyo doorashada Guddiga Doorashada Qaran, iyadoo la siinayo muddo 2 sano ah oo Hay’adaha dowladda oo dhan ay xilkooda ku darsanayaan.
Ujeedka Maxamed Farmaajo isaga wareejiyey Muddo kororsiga, kana saaray xukuumadda ayaa ah in eeda oo dhan uu qaado Baarlamaanka iyo Guddoonkiisa, haddii xaalad adag ka timaado ay ka dhalato dhibaato qorshahan oo beesha caalamka ay si weyn u diidan tahay.
Waxaa kaloo qorshahan la socon oo mar dambe loo sheegay madaxda Maamul Goboleedyada taageersan Farmaajo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo wareysigii koowaad ee uu bixiyey ku sheegay Sabtidii inaysan jiri doonin ‘Muddo kororsi’.
