Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Sidee looga baaqsaday Weerarkii loo qorsheeyay Jen. Saadaq Joon iyo Dagaal ka dhaca Muqdisho..?

    XOG: Sidee looga baaqsaday Weerarkii loo qorsheeyay Jen. Saadaq Joon iyo Dagaal ka dhaca Muqdisho..?

    April 15, 2021Updated:April 21, 20213 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jawiga caasimadda Muqdisho ayaa mar kaliya xalay galay xaalad milateri iyo xiisad, kadib dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemay qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.

    Arrintan ayaa ka dambeysay markii Taliyihii hore ee Booliska G/Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar ka guuray xaruntiisii hore ee u dhoweyd Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo degay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon.

    Ciidamada dowladda oo fara badan ayaa degdeg loo geeyay degmada Hodon, iyadoo lagu sigtay inuu iska hor imaad ka dhex dhaco labada ciidan, waxaana amarka weerarka ka yimid Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin xaalad kale ayaa dhalatay.

    Sarkaalka muuqda ee howlgalka loo diray ayaa ahaa Taliyaha dhowaan loo magacaabay Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole, waxaase jiray ciidamo kale oo ka mida milatariga Gorgor oo qorshaha weerar fulin lahaa.

    Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaarkood diideen inay qeyb ka noqdaan howgalka taliyahoodii hore lagu qaadayo, waxayna qorshaha la wadaageen siyaasiyiin iyo xildhibaano, taasoo keentay in baraha bulshada ay u ekaadeen inuu dagaal ka socdo Muqdisho.

    Dhammaan mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada Beesha uu kasoo jeedo Saadaq Joon ayaa Facebook u adeegsaday inay farriimo colaadeed diraan, qaarkoodna ku baaqaan in la difaaco Jeneraalka, lagana hortago duullaanka Farmaajo, iyadoo markii dambe gaaray in Nabadoonkii Beesha uu Facebook ka hadlo, isagoo toliiska ugu baaqay difaac.

    Saraakiisha ciidamada dowladda ee lala hadlay waxay sheegeen inay amar heystaan, ayna doonayaan in Saadaq Joon uu dib ugu laabto xaruntii uu ka guuray ee Garoonka Muqdisho, kana tago xaafadda Shiirkole, mana bixin wax sabab ah oo aan ahayn inay amar ka heystaan Maxamed Farmaajo.

    Xiisadda, qeylo-dhaanta colaadeed io xiisaddii xalay jirtay waxaa barbar socday dadaal iyo waanwaan lagu doonayo in dagaalka la abaabulay lagu baajiyo, waxaana qeyb ka noqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo kulan ugu tegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Xaaladda oo saameyn weyn yeelatay darteed, halista ka dhalatay baaqa dagaal ee Beesha Muqdisho iyo dadaalka nabadeed ee socday ayaa keenay in dowladdu la noqoto ciidamadii ay gurtay xaafaddaha Shiirkole iyo degaanada ku xeeran ee ay ku dooneysay inay ku weerarto Jeneraal Saadaq Joon.

    Markii Farmaajo qasab ku noqotay inuu la noqdo ciidamadii weerrka ahaa, dibna loo celiyey ayaa hadalkii ugu horeeyay uu kasoo baxay mas’uuliyiinta dowladda ee kasoo jeeda Beesha Saadaq Joon, waxaana baraha bulshada inuusan dagaal jirin kusoo qoray wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla, Saaka waxaa warbaahinta dowladda la faray inuu ka hadlo guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Cali Yare.

    Saadaq Joon ayaa dib ugu laabanaya Gurigiisii uu ka guuray oo ahayd shardi ay wateen dhinaca Farmaajo, laakiin damaanad inaan la weerarrin ah la siiyey, laakiin ujeedka kale ay ku qarsoon tahay oo ah halis culus oo ay cabsi ka qabto kooxda Farmaajo in qeybo ka mida caasimada ay faraheeda ka baxaan.

    Xiisadii xalay waa qabowday markii ay xaaladu ku adkaatay dowladda muddo kororsiga ku joogta ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin ma dhammaan damaca ah in xoog wax lagu maquuniyo, mar kastana waxay dadka Muqdisho ku jiraan cabsi ah in lagu dul dagaalamo.

    Farmaajo Jen. Sadaq John Muqdisho Saadaq Joon Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWarbixin: Farmaajo oo Somaliya u jiheeyay Dowlad KMG ah oo go’doonsan (3-da Xaqiiqo ee Muddo kororsiga)
    Next Article Dil toogasho ah oo lagu ku xukumay Nin si bareer ah Hooyadiis ugu dilay Magaalada Baydhaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo