Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Sidee Madaxweyne Farmaajo u lumiyey Madaxda Maamul Goboleedyadii ee u dhowaa Dowladda?

    XOG: Sidee Madaxweyne Farmaajo u lumiyey Madaxda Maamul Goboleedyadii ee u dhowaa Dowladda?

    July 6, 2020Updated:July 23, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa u muuqda inay arrinta Doorashada u midoobeen sidii ay uga hortegi lahaayeen Qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka.

    Arrintan ayaa soo shaac baxday kulanka Khadka Internetka ee ZOOM-ka iyo Whatsapp-ka ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada 22-kii June, kaasoo saaxiibadii ugu dhowaa Madaxweynaha sida Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu si weyn uga hor yimid waxa ka socda Baarlamaanka Federaalka ee ansixinta xeerarka Doorashada.

    Kulankaasi wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku qasbanaaday inuu ogolaado inuu hakiyo doodaha ka socday Baarlamaanka Federaalka ee xeerarka Doorashada, iyadoo uu haddana fulin waayey qodobkaasi shuruud u ahaa kulanka baaqday ee 5-8 July oo markii danbe Madaxweynaha ku dhawaaqay.

    Kulanka 22-ka June ayaa ahaa mid uu madaxweyne Farmaajo uga hortegay War-saxaafadeed ay soo saari lahaayeen madaxda maamul Goboleedyada oo xilligaasi ay shirar hoose ka yeesheen xaaladda Doorashada dalka, isagoo si degdeg u qabanqaabiyay kulanka uu la yeelanayo madaxda Maamul Goboleedyada.

    Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si cad uga hor yimid Madaxtooyada Soomaaliya ee Doorashada markii uu taageeray baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare, waana madaxweynaha saddexaad ee ugu fog marka lagu daro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland; wuxuuna dagaal qaraar oo siyaasadeed kala dhaxeeyaa Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.

    Madaxweynaha Galmudug oo qaatay tallaabo aanu si cad ugu muujin mowqifkiisa ayaa isna dhinac maray Madaxtooyada, wuxuuna qeyb weyn ka yahay qabanqaabada shirarka madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee lagu doonayo in mowqif mideysan looga qaato Doorashada la isku khilaafsan yahay.

    Madaxweyne Farmaajo oo hore u go’doomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashada ayaa dhinaca kale isbaheysi la sameystay Guddoonka Golaha Shacabka oo ku shaqeynaya muddo kordhin iyo Doorasho Qof iyo Cod ah, isagoo sii luminaya madaxdii maamul Goboleedyada ee ugu dhowaa maamulkiisa, qaarkoodna ay dowladiisa ku bixisay kharash iyo xoog sidii loo dooran lahaa.

    Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa sii watay shirarkooda u gaarka ah, waxayna ka baaqsadeen shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, waxayna kaas bedelkiisa shir u gaara ka yeelanayaan magaalada Dhuusamaareeb iyadoo uu martigelinayo Madaxweynaha Galmudug.

    Arrimahan oo dhan waxa muujinayaan in Qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka ee Doorashada uu wajahayo halis ah inuu meesha ka baxo.

    C/casiis Lafta-gareen Doorashada Farmaajo Madaxda maamul Goboleedyada Maxamed Cabdi Waare Qoorqoor Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMeydka Gabar Dil naxdin leh loo geystay oo laga helay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud
    Next Article Maamul Goboleedyada Dalka oo War kasoo saaray Shirkooda degdega ah ee Dhuusamareeb

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo