Waxaa maanta soo gabagabowday doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Guddiga Doorashada Heer Federaalka, kadib loolan adag oo lagu kala baxay.
Waxaa xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Federaaka ee FIET loo doortay Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii la isku khilaafsanaa, kadib tartan adag oo dhex maray Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) oo isna ka mid ahaa Guddigii hore, kana soo galay Galmudug.
Intii aysan doorashadu bilaaban waxaa olole xoog leh galay Villa Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, taasoo keentay inay markii danbe ku kala tagaan arrintan, inkastoo markii ay hore ay isla qaateen musharax kale oo lagu magacaabo Maxamed Muuse. (Akhriso)
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Kooxda Farmaajo ay si buuxda u taageertay Maxamed Muuse Maxamud, iyadoo dhinaca kale cadaadis saartay Maxamed Xasan Cirro, kana dalbatay inuu ka haro tartanka, marna u ballanqaaday jago muhiim ah, arrimahaas oo shaqeyn waayey.
Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro wuxuu markii hore heystay 14 xubnood oo ka haray guddigii la isku khilaafsanaa, kuwaasoo si buuxda u taageersanaa inuu xilka kusoo noqdo ayna ballan isla galeen; waxaase ka baxay oo musharaxnimadiisa la soo baxay Liibaan Shuluq.

Liibaan waxaa taageeray oo tartanka xilkan soo geliyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Musharax C/kariin Xuseen Guuleed, waxayna arrintii isu bedeshay dhinac kale, iyadoo uu hoos u dhacay Musharixii ay kooxda Farmaajo & Rooble isula wateen ee Maxamed Muuse.
Musharax Maxamed Xasan Cirro wuxuu isku hubay codadka ilaa 11 xubin oo ay ka wada tirsanaayeen Guddigii hore, balse wuxuu taageero u raadsaday saddex ka mida Musharixiinta Midowga si uu u helo codad cusub, kuwaas oo taageeray, kana qeyb qaatay inuu helo codad kale; waxaa kaloo la sheegay inuu tageero ka helay madaxweynaha Hirshabeelle.

Qaar ka mida kooxda Farmaajo sida Taliyaha NISA ayaa markii ay ogaadeen sida xaaladu ku socoto ayaa qeyb ahaan taageero u muujiyay Maxamed Xasan Cirro oo ay hore isugu dayeen inay tartanka ka reebaan, waxayna kadib sheegteen inay iyagu dhiseen musharaxa guuleystay oo hore u ahaa dooqooda koowaad.
Doorashadan waxay si cad u kala jebisay Farmaajo iyo Rooble, waxayna muujisay inuusan Farmaajo isku halleyn karin Rooble xilliga Rooble doorashada Madaxweynaha, waxay kaloo caddeyn u tahay inay kala tageen Qoorqoor iyo Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa marna taageero u muujiyey Guddoomiyaha cusub ee FIET Musharax Maxamed Xasan (Cirro), marna mowqifkooda u caddeyn waayey, siiba Axmed Madoobe, laakiin Cirro wuxuu loolan adag u galay si uu xilkan ugu soo baxo, isagoo cod kasta ku xisaabtamay xiriir toos ahna la sameeyay madaxda Mucaaradka, kadibna uga mahad celiyay taageerada ay siiyeen.
Wareegii kooaad wuxuu halay 12 cod, halka Liibaan shuluq ka helay 8 cod, musharixii Farmaajo ayaa isna helay 3 cod; halka wareega labaad oo uu ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro uu helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan uu helay 10 cod.
Wadani.net