Waxaa shalay magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyo Senatooro ka mida Baarlamanaka 11-aad, iyadoo sheegay inay xal u raadinayaan Cabashada K/Galbeed.
Xogta aanu helnay ayaa sheegaysa in socdaalka Qoorqoor iyo xubnaha la socda ee Baydhaba uu yahay mid ay soo alifeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Hawiye oo ku shiray Muqdisho, kadib khudbadii dareenka dhalisay ee Madaxweynaha K/Galbeed ku weeraray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble yo Beeshiisa.
Xildhibaannada oo kulan ay yesheen kadib, waxay xiriir la sameeyeen Madaxweynaha K/Galbeed, iyagoo kala hadlay xal u helidda cabashada ka timid iyo badbaadinta dowladnimada oo ay qeyb ka tahay in xildhibaanaada K/Galbeed ay qaataan Shahaadada xildhibaannimo.
Wararka ayaa sheegaya in C/casiis Lafta-gareen uu aqbalay in arrintaasi uu diyaar u yahay xalinteeda, balse la isugu yimaado magaalada Baydhaba, isagoo kadibna xildhibaannadii ergada ahaa usoo jeediyey in madaxweynaha Galmudug ay kusoo daraan wafdigooda, isagana ay hoggaanka siiyaan.
Wadahadallo dhex maray xildhibaannadaasi iyo Madaxweynaha Galmudug ayuu ku aqbalay inuu howshaasi hoggaamiyey sida Lafta-gareen dalbaday, waxaana sidaasi qorshihii loogu gacan geliyey Axmed Qoorqoor oo ay magaalada Dhuusmaareb wafdiga uga mid noqdeen xubno ay ka mid yihiin Mahad Cabdalla Cawad iyo Mahad Salaad oo ana ka mid ahayd qorshihii hore.
Wafdiga uu hoggaaminayo Qoorqoor ee tagay Baydhaba ayaan wax xiriri ah la lahayn Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashada heer Fewderaal e FIET oo khilaafku kala dhaxeeyo Lafta-gareen.
Labada madaxweyne ee K/Galbeed iyo Galmudug ayaa si weyn u taageersan Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna howlan inuu dib usoo laabto, iyadoo aan la ogeyn halka waanwaantan hal dhinac laga raadinayo ku danbeyn doonto.
