Xil ka qaadistii Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa su’aalo badan dhalisay, iyadoo timid 24 saac kadib markii qoraal kasoo baxay Wasaaradda loogu baaqay dowladda Itoobiya inay waanwaan iyo si nabad ah ku dhammeysto colaadda ka socota Gobolka Tigray.
Qoraalkan oo Wasiir Cawad uu caddeeyay inuusan waxba kala socon, isla markaana aanu ahayn mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka careysiiyey dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, taasoo keenay xiriir dhex maray madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya.
Inkastoo Wasiirka xilka laga qaaday ee Danjire Axmed Ciise uu ka gaabsaday inuu sababsaday qoraalkii Wasaaradiisa kasoo baxay ayuu hadda sheegay inuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu la kulmay, una sheegay inuu xilka ka qaadayo, isaguna aysan lama filaan ku ahayn xil ka qaadista; taasoo si cad bannaanka usoo dhigtay inuu xil ka qaadista ka dambeeyay Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaruhuna amarka Madaxweynaha ku shaqeeyay.
Xogta ayaa sheegeysa arrintan ay ahayd qorshe uu ka dambeeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee ku dhow Madaxweynaha Maxamed Balal, kaasoo awood ku yeeshay wasaaradda, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu isagu hago wasaaradda.
Tallaabada degdegta ah ee xilka looga qaaday Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale muujisay sida Dowladda Soomaaliya ugu nugushahay faragelinta dibadda, siiba Itoobiya oo saameyn weyn ku leh madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
