Monday, May 12, 2025

XOG: Waanwaan cusub oo ka dhex bilaabatay Ahlu Suna iyo Dowlada Federaalka

Waanwaan cusub ayaa la sheegay inay ka dhex bilaabatay Garabka Ahlu Sunna ee qabsaday Dhuusamareeb iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay arrinta dhex galeen xubno ka tirsan dowladda ee gacan-saar la leh kooxdaasi, isla markaana ay kooxdani ka soo dabacday mowqifkeedii dagaalka ahaa.

DF-AHLU

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa la filayaa inuu taho Dhuusamareeb si waanwaanta labada dhinac ay toos ugu bilaabato. Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa hadda u muuqda in ujeedkoodu yahay inay qeyb ka helaan maamulka gobolada Dhexe ee dhismihiisu ka socdo Cadaado.

Ad

Kooxda Ahlu Sunna ee gacanta ku heysa Guricieel, Dhuusamareeb iyo degaanada u dhaxeeya ayaa shuruudo ku xirtay inay heshiis la gasho dowladda ayna ka mid noqoto maamulka loo dhisayo gobolada dhexe, waxaana xilligan ku sugan Guriceel  Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud  oo ka mida xubnaha taageersan kooxdani.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON