Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Wacyi-gelinta Coronavirus oo noqotay Mashruuc (Xafiis Sare, Wasaarad & NGO’s ku lug yeeshay)

    XOG: Wacyi-gelinta Coronavirus oo noqotay Mashruuc (Xafiis Sare, Wasaarad & NGO’s ku lug yeeshay)

    April 27, 2020Updated:April 28, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay dagaalka lagula jiro ka hortagga Coronavirus, lana sameeyay Guddiyo kala duwan oo arrintan qaabilsan ayaa waxaa soo baxaya inay socdaan mashruucyo wacyigelin ah oo xafiisyo sare ku lug leeyihiin.

    Wacyi-gelinta ku saabsan cudurka Covid-19 ayaa durba waxaa la ogaaday inuu noqday mashruuc ay ku lug yeesheen Qeybta Warfaafinta ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha, Wasaaradda Caafimaadka iyo NGO-yo kale, iyadoo dhaqaale lagu bixinayo.

    Qeybta Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diyaarisay farriimo caafimaad oo ku saabsan Covid-19, waxayna toos ula xiriirtay Warbaahinta Muqdisho qaarkood iyo kuwa Gobollada Dalka si ay muddo laba toddobaad ah ugu baahiyaan farriimahaasi, waxayna u qoondeysay lacago.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in qeybta Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha aysan xisaab xir iyo wax dokumenti lacag qabasho ah weydiisan warbaahinta ay mashruucaas siisay, waxayna qiime kala duwan u qoondeysay idaacadaha ku yaalla Muqdisho iyo kuwa Gobollada dalka.

    Dhinac kale ururro NGO ah sida (Eagle Media Production) ayaa wada farriimo ku saabsan Covid-19 oo mashruuc uga soo qaatay Hay’addo samafal, iyadoo lasoo mariyay Wasaaradda Caafimaadka waxayna adeegsadaan oo heshiis la galeen isla warbaahinta ay farriimaha ka sii deyso qeybta Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

    Inta badan warbaahinta ayaa markii hore isu xil saartay inay dadka ka wacyi geliso dadka cudurka Coronavirus, iyagoo u arkay waajib saaran, laakiin waxaa arrintii meesha ka saaray mashruucyada is barbar socda iyo lacagta lagu bixinayo wacyi-gelinta cudurka Covid-19.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta gaarsiiyey farriimo telefoonadu kusoo dhacayaan oo ku saabsan wacyi gelinta Cudurka Coronavirus.

    Waxaa la ogyahay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo agaasimihii maaliyadda Wasaaradda ay u xiran yihiin arrimo musuq, Arrinta Covid-19-na loo sameeyay Guddi dhowr ah oo hoos taga Ra’iisal wasaaraha.

    Corona Virus Top Wacyi gelin Xafiiska Ra'iisal wasaaraha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday Taliyihii iyo taliye ku-xigeenadii Booliska Puntland
    Next Article 9 Qof oo ku dhimatay Isbitaal Martiini & Digniin ka timid Wasaaradda Caafimaadka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo