Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Wakiilada Beesha Caalamka oo bilaabay inay si toos ah uga hor yimaadaan Maxamed Farmaajo

    XOG: Wakiilada Beesha Caalamka oo bilaabay inay si toos ah uga hor yimaadaan Maxamed Farmaajo

    March 25, 2021Updated:March 31, 20212 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilada Beesha Caalamka ayaa bilaabay inay si toos ah uga hor yimaadaan Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo si toos ah u cambaareynaya joogistiisa xukunka iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

    Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa bartiisa Twitter-ka uga jawaabay arrinta Heshiiska C/rashiid Janan, wuxuuna yiri: “Waxaan murugada la wadaagayaa dhibaneyaasha, dadka barakacay, dhalinyarrada Soomaaliyeed ee hiigsanaya bulsho nabad iyo cadaalad ku dhisan oo sharcigu u siman yahay qof walba. Waxaan hubaa kuwa ku fikiraya guulaha muddada gaaban inaysan iloobi doonin bulsho u baahan tiirar adag si mustaqbalka loo dhiso”.

    Jawaabta Nicolas Berlanga waxay soo baxday iyadoo safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz uu bilaabay dhaqdhaqaaq aan hore loo arag, xiriirna la sameeyay madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Juballand Axmed Maxamed Islaam.

    Kulamada oo kala gaar ahaa, isla markaana khadka Internet-ka ee ZOOM-ka ku dhex maray safiirka Turkiga, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa looga dooday kaalinta Turkiga ee xaaladda Soomaaliya iyo welwelka laga qabo awoodda ciidan ee uu adeegsanayo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Safaaradda Norway ayaa dhinaceeda soo saartay qoraal culus oo Madaxweyne loogu baaqay inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo, qoraalkaan oo ay si weyn uga caroodeen Farmaajo iyo taageerayaashiisa, kadibna safaaradda ay fasir ka bixisay.

    Kuxigeenka Madaxda Midowga Yurub u qaabilsan Siyaasadda iyo Amniga ayaa qoraal adag ugu sheegay madaxda dowladda federaalka inay wajigi doonaan tallaabo laga qaado haddii ay caqabad ku noqdaan Doorashada.

    Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xaqiiqsaday in Maxamed Farmaajo caqabad ku yahay doorasho xor ah oo Soomaaliya ka dhacda, balse uu wado qorsheyaal farsameysan oo uu dib loogu dhigayo Doorashada; laakiin waxay u arkaan inuu fursad ka helayo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo ku xiraya wadahadalka ay doonayaan in la galo.

    Beesha caalamka Doorashada Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSaddex tallaabo oo looga badbaadi karo Inqilaabka Farmaajo (Akhriso: Qormada C/raxmaan C/shakuur)
    Next Article Kutlada xildhibaannada labada Aqal ee Mucaaradka oo digniin Culus u diray Farmaajo & Maxamed Mursal

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo