Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa si toos ah ula wareegtay canshuur ka qaadista Qaadka kadib markii laga qaaday shirkad uu lahaa xildhibaan Axmed Ducaale Geelle oo lagu magacaabo ADCO oo lacagtaasi magaca dowladda ku qaadi jirtay muddo dheer.
Wasiirka maaliyadda Maxamed Adan Fargeeti ayaa isku dayay inuu shirkad kale ku wareejiyo, una sameeyo naasnuujin cusub, taasoo khilaaf ka dhex dhalisay wasiirka iyo wasiiru dowladda wasaaradda, kadibna keentay in xeer ilaaliyaha soo dhex galo oo shaqaalaha wasaaradda loo fasaxo inay canshuurta Qaadka. Fashilka ku yimid qorshaha wasiirka Maaliyadda ayaa keenay inay kororto cashuurta dowladu ka hesho Qaadka oo ahayd meel musuq badani ka jiro oo shirkado iyo shaqsiyaad kula heshiin jireen madaxda wasaaradda Maaliyadda.
Goobjooge.com oo raadraac ku sameysay tan iyo intii dowladda la wareegtay qaadista canshuurta Qaadka la keeno magaalada Muqdisho ayaa waxaa usoo baxay arrimaha soo socda:
Maalin kasta waxaa Qaadka la keeno Muqdisho ka soo xarooda lacag dhan $40,000-50,000 oo doolar.
Bishii dhaqaalaha dowladda uga soo xarooda Qaadka wuxuu noqon doonaa ugu yaraan $1,200,000 (Hal Milyan iyo Laba boqol kun oo doolar) iyo ugu badnaan 15 Milyan oo doolar.
Shirkadii hore canshuurta uga qaadi jirtay Qaadka waxay bil kasta ku shubi jirtay Khasnada dowladda ee Bankiga dhexe lacag dhan $800,000 (Afar Boqol kun oo doolar) lacag ka yar.
Waxaa halkan ka muuqda koror ka badan 30%, iyadoo la is weydiin karo halka lacagtaasi ku bixi jirtay, ayaa hadda laga yaabaa inaysan si buuxda u wada xaroon lacagta canshuurt Qaadka oo shaki la’aan kab weyn u noqon lahayd dhaqaale yarida heysata dowladda Federaalka ee ay la bixin la’ dahay mushaarka shaqaalaheeda iyo ciidamada.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]