Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa diiday dalab uu hordhigay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan arrinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu arrinta gudoomiyaha Gobolka Banaadir u xilsaaray Ra’iisal Wasare Xasan Cali Kheyre oo isna degdeg ugu yeeray Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha oo madaxweynaha ku wehliyey safarkiisa Gobollada Dhexe.
Xogta ayaa sheegeysa in wasiir Sabriye uu diiday codsi ka yimid Kheyre oo ku saabsan xil ka qaadista Guddoomiyaha G/Banaadir, isagoo ka cudurdaartay inuu dhex galo arrimo ka horeeyay oo aanu warbixin ka heysan.
Warar kale ayaa sheegaya in wasiirka uu fasax kasoo qaatay madaxweynaha, kadib markii uu ku xanuunsaday socdaalkii gobollada dhexe, balse ay xiisadaan la kowsatay kadib markiii uu Muqdisho yimid.