Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Saadaq Xersi Warfaa ayaa ka daba yimid Warkii ay Madaxtooyada Soomaaliya faafisay ee ku saabsanaa Mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay Madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraalkii Madaxtooyada ayaa shalay lagu sheegay in mashruuca taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah, iyadoo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka, lacagta loogu taloglayna ay tahay 4 Milyan oo Dollar bishii.
Balse Wasiir Saadaq iyo Wasaaradiisa ayaa baraha bulshada ku faafiyey qoraalo kale oo muujinaya in wejiga hore ee Mashruuca uu caawin doono 200,000 qoys oo ah kuwa ugu faqiirsan dadka, lana siin doono lacag dhan 1.3 Milyan Dollar.
Mar kale ayey Wasaaradda Shaqada kasoo xigatay Wasiir Warfaa in bil waliba 4 Milyan Doolar loo qoondeeyay qoysas gaaraya 200,000 iyadoo sanadkan, sanadka xigana uu gaari doono Hal Milyan oo qof.
Dad fara badan ayaa dood ka keenay waxa ay 4 Milyan Dolar u tari karto 1.3 Milyan oo Qoys Danyar ah, waxaana markii la isku qeybiyey soo baxday lacag aad u yar oo aan macne lahayn. laakiin marka la fiiriyo isbedelka lagu sameeyay ayaan keenin kororsiimo weyn, wuxuuna laba-laabay lacagtii yareyd ee kusoo aadeysay qoysaska.
Mshruucan oo la sheegay inuu hore u socday ayna wadeen Hay’ado ka tirsan Q/Midoobay ayaa dhaliyey su’aalo badan, waxaana ka mida inay shaqadaasi lahayd wasaarada gargaarka, halka ay hadda la wareegtay Wasaaradda Shaqada iyo in lacagtiisa uu bixinayo Bankiga Adduunka.