Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»XOG: Xaqiiqada Dhulka Dugsiga Hoyga Xamar ‘Ex. Xamar Sare’ (Yaa lahaa, Yaa laga iibiyey, Yaase heysta..?)

    XOG: Xaqiiqada Dhulka Dugsiga Hoyga Xamar ‘Ex. Xamar Sare’ (Yaa lahaa, Yaa laga iibiyey, Yaase heysta..?)

    February 27, 2021Updated:March 1, 20216 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa muddo dheer dood ka taagneyd dhul ku yaalla Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, agagaarka KM4, oo hadda uu degan yahay Dugsiga Hoyga Xamar, waxayna xaalada dhulka halkii ugu sareysay gaartay 26-kii Bishan Febraayo 2021.

    Ciidamada Booliska oo heysa Amar Maxkamadeed ayaa howlgal dumiS ah ka fuliyey qeyb ka mida Dugsiga oo loo xukumiyey dad shacab ah oo iibsaday, taasina waXay dhalisay qeylo dhaan ay soo farageliyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaanA goobta tegay Taliyaha Booliska oo cudurdaar bixiyey. (AKHRISO)

    Haddaba Wadani.net waxay u kuurgashay xaaladda dhulkan la isku heysto, in dhulku yahay Dan guud, cidda heysta ee difaaceysa, ciddii lahayd, dadka iibsaday iyo xukunka maxkamaddu gaartay, waxaana soo baxay xaqiiqooyinka soo socda:

    1- Dhulkan asalkiisu wuxuu ka mid ahaa (32) Boos waxaa la bixiyey sanadkii 1959-kii oo Talyihii ciidamadii Booliska Gen. AUN Maxame Asbhir uu sanadkii 1966 u qeybiyay Saraakiishii Ciidamadii Booliska ee Dowladii Daakhiliga, waxaana dadkii dhulkaasi la siiyey ka mid ahaa saraakiil caan ah sida: Jen. Maxamed Ceynaanshe, Maxamed Cali Dacar, Siyaad Barre iyo kuwa kale.

    Naqshadda dhulka waxay muujineysaa 3 boos oo kal duwan inuu ku fadhiyo xilligan Dugsiga Hoyga Xamar

    2- Dhulka hadda Hoyga Xamar waxaa asalkiisa la siiyey Maxamed Cali Dacar, kadibna waxaa yeelatay dowladda Sacuudiga oo ka dhigtay iskuul Tadaamun. Dhulkan oo Loto Lambarkiisu tahay (32) waxaa qarameysay dowladii Kacaanka oo dan guud ka dhigtay, kadibna wxuuu noqday Dugsiga Sare ee Xamar (Xamar Sare). Dagaaladii kadib waxaa halkaasi qabsaday dad shacab ah oo ka dhigay Dugsiga Hoyga Xamar, sida uu hadda yahay.

    3- Dhulka ku xiga ee Looto lambarkiisu yahay (31) wuxuu magaciisa kusoo baxay Jen. Maxamed Ceynaanshe, wuxuuna bishii April 1968 ka iibiyay Xasan Aadan Wadaad-diid, dhulkan oo dhinaca Galbeed ka xiga, isla markaasina saaran dhulka Dugsiga Hoyga Xamar (Ex. Xamar Sare) waxa hadda lahaa dhaxaltooyada Xasan Wadaad-diid, dacwad ayaa ka socota oo weli soo shaac bixin. (Waxaa dhulkan isku balaariyey Dugsiga Hoyga Xamar).

    4- Dhulka Loto lambar 30, wuxuu magaciisa kusoo baxay C/qaadir Xasan (Mafiito) 1959, waxaana lagu wareejiyey sanadkii 1965. Dhulkan waxaa leh dhaxaltooyada caruurta C/qaadir Xasan waxana wakiil u ah Eng. C/qaadir Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore oo ay qaraabo yihiin reerka leh dhulka. Wuxuuna ahaa dhul bannaan oo derbi ku wareegsan yahay. Waxaa dhulkan qabsaday nin lagu magacaabo Bashiir Ciise Maxamuud.

    Dhulkan waxay September 2019 Qoyska lahaa ee Dhaxaltooyada C/qaadir Xasan ka iibiyeen Nin lagu magacaabo Qaasim Faarax Warsame oo dacwad ka furay Maxkamadda Gobolka Banaadir si looga qaado ninkii heystay ee Bashiir Ciise Maxamuud oo sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Hoyga Xamar, dhulkuna ka tirsan yahay Dugsiga oo dan guud ahaa.

    Baaritaan kadib Maxkamadda G/Banaadir waxay maarso 2020 u xukmisay dhulkan Qaasim Faarax Warsame oo ka iibsaday qoyska C/qaadir Faarax, waxaana arrinta baaray Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo Wasaarada Waxbarashada ka dalbaday inay caddeyn u keento danguudnimada dhulkan, iyadoo aysan wasaaradu keenin wax caddeyn ah.

    Maxkamadda G/Banaadir oo ku qanacday sharciga ay heystaan dadka iibsaday dhulkan ayaa dacwad dhowr jeer u qaaday Ninka heystay Dhulkan ee Bashiir Ciise iyo Wakiilka ninka iibsaday, waxayna Garyaqaanka Guud ee Dowladda iyo Maxkamadda G/Banaadir cadeyeen inuu leeyahay Qaasim Faarax, laguna wareejiyo, sidaasina kusoo baxay Amar fulinta Maxkamadda ee ciidamada Booliska dhaqan geliyeen 26 Febraayo 2021, balse ay joojiyeen madaxda sare ee dowladda.

    MAXAA ARRINTA SOO GELIYAY MAAMULKA HOYGA XAMAR

    Dugsiga gaarka loo leeyahay ee cusub ee hadda loo yaqaan Hoyga Xamar, waxaa maamulka C/raxmaan Yuusuf Maxamuud (Dhagey) wuxuuna heystaa waraaqo ay qoreen agaasimeyaashii Wasaaradda Waxbarashada ee kala danbeeyay oo sheegaya inuu sii heyn doono, dadkana wax ku baro Dhulka Dugsiga Sare ee Xamar, laakiin ma jirto wax caddeynaya dhulka danta guud ee Dugsiga iyo cabirkiisa oo Wasaaradu la timid ama ninka haya keenay.

    Dhulkii Dugsigii Sare ee Xamar wuxuu ahaa dugsi maalinle ah oo lahayn hoy ay ardaydu seexato, laakiin xilligan Dugsiga Hoyga Xamar waa dugsi balaaran oo leh hoy ay ardaydu seexato, wxuuuna hadda sida muuqata isku fidiyey laba boos oo kale oo dad shacab ah lahaayeen ilaa hadaana caddeyn loo waayey inay dan guud looga qaaday marka laga reebo Faafintii Rasmiga ahayd L. 5 sanadkii 1979.

    Booska ay iska iibiyeen dhaxaltooyada C/qaadir Xasan ee uu iibsaday Qaasim Faarax Warsame kama mid ahayn dhulka Hoyga Xamar 2019 ka hor, waxaana si gaara u heysay Bashiir Ciise, lakiin waxaa lagu balaariyey oo qolal la seexdo laga dhigay, laguna qoray magaca Dugsiga kadib markii ay Dacwadda bilaabeen dadkii lahaa.

    Waxaa muuqata in maamulaha dugsiga Hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf uu difacayo Dhulkan uu Danta guud ku difaacayo oo ah Booska saddexaad ee hadda arrintiisa lagu jiro, si ay dhibaato u noqoto in loogu yimaado Booska labaad ee dhaxaltooyada Xasan Wadaad-diid oo isna la iibsaday, dacwadiisuna socoto.

    KAALINTII DOWLADDA EE MAQAN

    Kiiskan Dhulka la isku heyso haddii dhinaca dowlada laga eego waxaa ka maqan kaalinteedii ahayd inay caddeyn u keento Dhulka Dugsigii sare ee Xamar, taasoo aan la isku heysan inuu dan guud yahay. Wasaaradda waxbarashada ayaa ahayd dhinaca kala saari kara dacwadan, halkii uu magaceeda dhulka ku difaaci lahaa qof shacab ah.

    Garyaqaanka Dowladda wuxuu weydiistay Wasaaradda Waxbarashada inay soo caddeyso dhulka la isku heyso inuu yahay dan guud, taasoo aan dhicin. Dhinaca kale waxaa la hayaa dhammaan dokumentiyadii uu dhulkan kusoo baxay, inta boos ee ay ahaayeen iyo dadkii lahaa.

    SHAKIGA JIRA IYO BAARISTA LOO BAAHAN YAHAY.

    Shaki kuma jiro in dadka hadda magaca dowladda ku heysta dhulkaasi ay shaqsiyaad waxbarashada ka ganacsada yihiin, laakiin waxay wadaan wixii ugu haboonaa ee lagu qaban lahaa oo ah inay caruur wax ku bartaan. Wasaaradda Waxbarashad iyo dowladu waxay awoodi waayeen inay muddo 10 sano ku dhow xadeeyaan Dhulka Dugsigan, ayna xal ka gaaraan ama heshiis cad oo kiro bixin ah la galaan dadka heysta.

    Baarista kiiskan ka harsan ee la doonayo in la hubiyo, Guddi xeeldheerayaal ahna loo saaro waa sax ahaanshaha in labada Boos ee Loto lambarkoodu yahay (30) (31) inay ka mid yihiin dhulkii Danta guud, kana tirsnaayeen Dugsigii Xamar Sare, xilliga dowladu la wareegtay iyo wixii lagu qaban jiray. Waxaa xog badan laga heli kara wixii ka jooga maamulkii Dugsigii Sare ee Xamar, macalimiintii iyo Ardaydi ka baxday ka hor 1990-kii.

    Waxaa kaloo hubin u baahan sababta labadaan boos ee la isku heysto inay Dugsiga Sare ee Xamar ka mid ahaayeen iyo in kale aan muddo 50 sano ah loo iibsan, loo dhisin ilaa sanadkii 1968 oo ay taagan yihiin gacantii koowaad iyo dadkii ay kusoo baxay oo xilligan 2020 la iibinayo.

    GUNAANAD

    Muranka ka taagan dhulalka la isk heysto kuwa danta guud ee la boobayo, waxaa muhiim ah in la dhiso Gudi u gaara arrimaha dulka iyo dacwooyinkiisa iyo maxkamad gaara si loo kala badbaado, hantida dowladuna loo dabagalo, dadkuna ku kala nabad galaan, hadidi kale waxay noqon doontaa in Baraha bulshada lagu xaliyo karo dacwadaha madaniga iyo murannada dhulka.

    WAXAA DIYAARIYAY GOOBJOOGE

    Dugsiga Hoyga Xamar Dugsiga Sare ee Xamar Hoyga Xamar Top Xamar Sare Xaqiiqada Dhulka Hoyga Xamar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeriye 2 Bil u xirnaa Puntland oo Maxkamad Milateri lasoo taagay iyo Qodobbada lagu eedeeyay
    Next Article Alshabaab oo Xukun Sino ku fulisay Wiil iyo Gabar aan hore u guursan iyo Tuug Gacanta laga jaray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo