Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Xasan Sheekh oo Dowladda Mareykanka ka codsaday kordhinta Duqeynta Alshabaab

    XOG: Xasan Sheekh oo Dowladda Mareykanka ka codsaday kordhinta Duqeynta Alshabaab

    October 28, 2022Updated:October 29, 20222 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maamulka Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden gaarsiisay codsi ku saabsan in la kordhiyo duqeynta lagu qaadayo Alshabaab, xilli uu socdo dagaalka Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

    Warbixin uu qoray Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in Maamulka Biden uu ka fiirsanayo codsiga uga yimid dowladda Soomaaliya ee ku saabsan in Mareykanka uu kordhiy duqeynta, isagoo meesha ka saaraya xayiraadda saaran duqeymaha ay fulin karaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka Militariga Mareykanka ee lagu beegsado dagaalyahannada Al-Shabaab.

    Codsigan ayaa imaanaya iyadoo dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay bilowday duullaan ka dhan ah Al Shabab, kaasoo ay qeyb ka yihiin Maleeshiyooyinka Beeleed gaar ahaan Gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

    Madaxweyne Biden ayaa dib ugu soo celiyay Soomaaliya 450-askari oo Maraykan, kuwaas oo uu ka saaray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J. Trump bishii Janaayo 2021, balse waxaa xadiddan duqeymaha ay fulin karaan Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mareykanka ka doonaya in ciidamada Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxaha Al-shabaab xaalad kasta, mar haddiiba ay ay khatar ku yihiin ciidamada Soomaaliya, iyagoo aanu dagaal socon, halka xilligan ay kaliya duqeynta Mareykanku timaado marka Alshabaab dagaal la galaan ciidamada dowladda ee loogu yeero inay gacan siiyaan.

    Tallaabadan ayaa haddii uu ogolaado Mareykanka kordhin doonta weerarrada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya iyo ku lug lahaanshaha Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

    Duqeynta diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ka fuliyeen Somaaliya sanadkan ayaa gaareysa 11, waxaana ugu dabeysay duqeyntii uu Taliska AFRICOM shaaciyey in Axadii todobaadkan lagu dilay labo dagaalyahan, duleedka magaalada Buuloburte.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan saxiixay siyaasadda lagu maamulayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhaca meelaha ka baxsan aagagga dagaalka taasoo u baahan ogolaanshihiisa si loo beegsado mintidiin gaar ah, taasoo quseysa Soomaaliya, laakiin waxaan ogolaasho u baahneyn weerarrada loo qaado is-difaaca ah.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNinka ugu taajirsan Caalamka oo iibsaday Shirkadii Twitter iyo madaxdii oo la eryay
    Next Article RW Xamsa iyo Deni oo is-afgarad ka gaaray khilaafkii ka dhashay Xilka Ra’iisal wasaaraha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo