Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo jeeda magaalada Muqdisho isagoo la filayo in loo caleemo saaro hoggaaminaya mucaaradka ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh oo ololihiisii dib u doorashadai xilka madaxweynaha Soomaaliya si lama filaan looga guuleystay ayaa intii uu xilka banneeyay ku sugnaa dalalka Tanzania iyo Turkiga oo xaasaskiisa ay degan yihiin, isagoo ka gaabsaday arrimaha siyaasadda, isla markaana ku baaqayey in lala shaqeeyo dowladda.
Xogta laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh muddooyinkii danbe ku howlahaa sidii uu u mideyn lahaa kooxaha mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana socda qorshe ay ku midoobayaan 4 xisbi oo hoggaamiye loogu dooranayo Xildhibaan Xasan Sheekh.
Shirar is dabajoog ah oo dhex maray Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Xasan Macalin iyo xubno kale ayaa lagu heshiiyey in la dardar geliyo ololaha looga horjeeda dowladda Farmaajo hoggaamiyo iyadoo uu hoggaamin doono xildhibaan Xasan Sheekh.