Waxaa lagu jiraa saacadihii ugu danbeeyay ee la filayo inuu madaxweyne Xasn Sheekh ku dhawaaqo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib muddo bil ah oo ku dhammaaaneysa caawa, markii xilka loo doortay.
Magacaabidda xilkan ayaa waqti dheer ku qaatay madaxweynaha, waxayna wararku sheegayaan inay taasi keentay, isagoo doonaya inuu ku qanciyo madaxda maamul Goboleedyada ay quseyso arrintan oo kala ah; Puntland iyo Jubbaland.
Xogta laga helay Villa Somaliya ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aansaday inuu xilka Ra’iisal wasaaraha kasoo magacaabo siyaasi ka tirsan beel aan hore xilkan u qaban oo ah Beesha Ogaadeen, waxaana arrintan taageero looga raadiyey Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka mid ahaa musharixiinta xilkan doonayey.
Xildhibaan Dr. Hamza Cabdi Barre ayaa si weyn loo hadal hayaa in xilkan loo magacaabi doono, taasoo ka dhigan, haddii ay dhacdo tariikh cusub oo awood qeybsiga xilalka sare ee dowladda Soomaaliya ka dhici doona.
Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa shaaciyey inuu isaga haray ololihii uu ugu jiray xilka Ra’iisal wasaaraha, kuna qancay duruufaha ku xeeran jagadaasi.
Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda, waxaana xalay kulankii ugu dabeeyay uu dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni, kaasoo looga hadlayey in arrinta magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub.
Ma cadda in Siciid Deni aqbalay ama taageeray go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh, lakiin waxaa ilo ku dhow ay sheegeen in kulankoodii ugu danbeeyay uu ku dhammaaday in Deni aan xilkaasi loo magacaabi doonin.