Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale yimid magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan warar ku saabsan xil uu ka qabanayo dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wararkan oo hore u soo baxayaa ayaa ku aabsan in Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo soo bandhigay in loo magacaabo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Dib u heshiisiinta, iyadoo Guddigaan maalgelin weyn lagu sameyn doono, kaasoo la shaqeynaya wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Shariifka ayaa la sheegay inuu hore u aqbalay qabashada xilkan oo la sheegay inuu u baahan yahay ansixinta Baarlamaanka, lagana yaabo inuu muddo qaato, maadaama uu ku soo beegmay xiisad siyaasadeed oo dhalatay sarkaalkii ONLF ay ka taagan tahay Muqdisho.
Xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta waxaa muddo dheer soo hayay Ismaaciil Macallin Muuse oo tan iyo dowladii C/llaahi Yuusuf madax ka ahaa, waxaana guddigan uu noqday mid howlgab markii ay iska fogeeyeen dowladihii hore, dhexdiisana uu kala tegay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa maanta kulan Gaar ah kula qaatay howgiisa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadaly arrimha quseeya Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta.
“Waxaan maanta Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore dawladii KMG ahayd ee Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho jooga waxa yna ii aheyd sharaf weyn” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Dowladda Qatar ayaa balanqaaday inay maalgeliso howlaha dib u heshiisiinta Soomaaliya oo dardar weyn la gelinayo, waxaana Shariifka loo arkaa qof ku haboon hoggaaminta howsha cusub.
Wadani