Xildhibaanada Golaha shacabka ee kasoo jeeda Beesha Daarood ayaa ku kala qeybsamay kulan ay ka yeesheen xaaladda C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.
Kulan saacado badan qaatay oo xalay ilaa xilli dambe ka socday magaalada Muqdisho ayaan lagu guuleysan inay talo mideysan ka qaataan xildhibaanadan, waxaana arrinta sii cusleeyay xildhibaannada Absame oo dood ka keenay in arrinta Qalbi dhagax ay saameyn ku yeelato xubnaha kale ee Beesha.
Dood dheer kadib ayaa la sheegay inay arrinta soo farageliyeen madaxweynaha maamulka Jubba iyo xubno kale oo xildhibaanada cadaadis ku saaray inay taageeraan xukuumadda Soomaaliya.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inay inta badan xildhibaanada Beesha Daarood lagu qanciyay inaysan ka hor imaan xukuumadda, laakiin waxaa damaanad dalbaday xildhibaanada Beesha Ogaadeen, taasoo la sheegay in madaxda sare ay la kulmi doonaan.
Wadani