Qaar ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa wada mooshin ka dhan ah madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Xildhibaannadan oo ah isla kuwii ku ka horjeeday go’aanka dowladda Federaalka ee gudbinta Sarkaalkii ONLF C/kariin Qalbi dhagax ayaa markan doonaya in madaxweynayaasha maamul Goboleedyada loogu yeero golaha Baarlamaanka, isla markaana wax laga weydiiyo sababta ay uga hor yimaadeen go’aankii dowladda ee arrinta Khaliijka.
Mooshinkan oo bilow ah ayaa waxaa hormuud u ah xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi iyo Axmed Macalin Fiqi, waxaana lagu difaacayaa mowqifka dowladda Federaalka ee khilaafka ka taagan Khaliijka.
Arrintan oo ah mid ka mida shaqooyinka Aqalka Sare ayaa waxaa muuqata in xildhibaannada Golaha Shacabka ay la wareegayaan xilli Aqalka sare u muuqdo inaysan u caddeyn howlaha dastuurku u xil saaray.