Xogta aanu ka heleyno ilo ku dhow madaxda Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa sheegaya in isbedel lagu sameeyay xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.
Heshiiskan cusub ee Madasha ayaa ka dhigaya Aqalka sare mid ka kooban 54 xubnood, wuxuuna eesha ka saaraya arrimaha soo socda:
- Labadii Xubnood ee beelaha banaadiriga laga siiyay Aqalka sare laguna go’aamiyay shirkii Baydhaba.
- Labadii Xubnood ee Puntland loogu daray laga soo jaray Somaliland.
- In Gobolka Banaadir aanu wax xubno ah ku yeelan Aqalka sare
Arrintan ayaa ugu danbeyn ay isla qaateen madaxda Madasha kadib markii la isku mari waayay xubno la doonayay in loogu daro Gobolka Banaadir, waxaana heshiiska oo la saxiixay lagu wadaa in la shaaciyo dhowaan.
Heshiiska cusub ayaa xubnaha Aqalka sare waxaa loo qeybsaday sidan:
- Somaliland 11 Xubnood
- Puntland 11 Xubnood
- Galmudug 8 Xubnood
- Jubaland 8 Xubnood
- Koonfur Galbeed 8 Xubnood
- Hiiraan/ShabeeladaDhexe 8 Xubnood
Wadani.com