Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka guuray xaruntii uu ka degenaa Madaxtooyada ee Villa Uganda, kadib saddex maalmood oo cadaadis iyo xayiraad ay saartay Madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaannada saxiixay Mooshinka Madaxweynaha ayaa ciidamada ilaaliya madaxtooyada ku eedeeyay inay xayiraad saareen Guddoomiyaha, ayna diideen inay xildhibaannada u tagaan ama uu shir ku qabto xarunta Villa Hargeysa, taasoo keentay inuu ugu danbeyn ka guuro Gurigii uu ka deganaa Madaxtooyada, isagoo degay hotel ku dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Xogta laga helay madaxtooyada aya sheegeysa in amarka lagu xayiray dhaqdhaqaaqa Guddoomiye Mursal ay bixisay Agaasimaha Madaxtooyada Aamina Saciid Cali, iyadoo uu la ogaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana maalin kadib ay soo saartay qoraal lagu yareeyay dhaqdhaqaaqa Madaxtooyada iyo Gawaarida gasha xarunta Villa Somalia.
Xubno ka tirsan xildhibannada taageersan Madaxtooyada oo xayiraadda Guddoomiyaha Baarlamaanka kala hadlay Madaxweyne Farmaajo iyo taliyeyaasha Madaxtooyada ayaa loo sheegay inuu jiro wafdi ka socda madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea, taasoo loo adkeeyay amniga Madaxtooyada, laakiin waxay markii danbe ogaadeen in si gaara loo cadaadinayo Guddoomiye Mursal, laguna fasaxay ciidamada ilaaliya madaxtooyada.
Arrintan ayaa ugu danbeyn keentay inuu Madaxtooyada ka guuro Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo degay hotel ku dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.